Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo waayeysa $125 milyan oo ay ka heli jirtay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Calan-DF-Somalia-Coat-scaled.jpeg?fit=25

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waayeysa lacag taageero ah oo dhan 125.5 milyan dollar, kadib markii hay’adda USAID ku dhowaaqday inay si KMG ah u joojinayso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah.

Tan ayaa imaneysa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay Soomaaliya u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii tegay waxay kala saxiixdeen heshiis $68.5 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada.

Waxaa kamid ahaa heshiiskan ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideystaan, laguna dayactiro 200 fasal ka badan.

Sidoo kale isla sanadkaas bishii December waxay USAID ku dhowaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo loogu tala-galay wax ka qabashada cunto yaraanta iyo nafaqobxumada ka jirta Soomaaliya.

Maal-gelintan ayaa xoogga saareysay sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka maxalliga ah ee la daala-dhacaya saameynta isbeddelka cimilada.

Iyadoo hakinta barnaamijyada USAID ay durba walaac xooggan ka abuurtay Soomaaliya oo xilligaan si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si loo maareeyo xaaladaha nololeed ee adag.

Sidoo kale wuxuu go’aanka Mareykanka saameyn weyn ku yeelan karaa qoysaska nugul ee ka faa’iideysta barnaamijyada taakulo, iyadoo geesta kalena abuureysa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this