Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo shaaciyay in dhinacyo dhowr ah ay isku dayeen in Masar laga reebo AUSSOM

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in dhinacyo dhowr ah isku dayeen in Masar laga reebo howl-galka cusub ee AUSSOM.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayey xaaladdii loo soo maray in ciidamada Masar ay aqbasho dowladda si ay qayb uga noqdaan howl-galka ayaa wuxuu si daahsoon u sheegay in bilihii lasoo dhaafay dhinacyo kala duwan laga soo tuurayay sidii Masar looga hortagi lahaa inay ku biirto howl-galka cusub ee dalka ka bilowday.

Inkasta uusan magac xusin cidda ama dhinaca dowladda Soomaaliya ku cadaadiyay sidii Masar looga reebi lahaa howl-galka, ayaa haddana waxaa iska cad in liiska ay safka hore uga jirto Itoobiya, oo ayadu si weyn isku hayaan Masaarida.

“Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray cadaadis Masar looga reebi rabay howl-galka Midowga Afrika, dhinacyo kala duwan ayaa laga soo tuuray arrintaas. Jabuuti iyo dalalka kale ee deriska ayaa howl-galkan ku jira balse culeyska waxaa la saaray Masar ku biiristeeda howl-galkan,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masaarida ay taageeraan ciidamada ammaanka dowladda, islamarkaana ay gacan ka geystaan tababarkooda iyo qalabeyntooda, sidaas awgeed aysan jirin sabab keeni karta in laga reebo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Itoobiya oo xiisad dhanka biyaha webiga Nile-ka kala dhaxeysa Masaarida ayaa dhowr jeer isku-deyday tallaabooyin ay ku hor istaageyso in Masar ay saami ku yeelato ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Si kastaba, Qaahira ayaa dadaalkii ay gelisay ka qeyb noqoshada howl-galka cusub ugu dambeyn ku guuleysatay saddex maalin kahor, iyadoo laga aqbalay xubinnimada howl-galkan dalka bilowday sanadkan cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this