Sign in to follow this  
RedSea

Pray for your country this Ramadan

Recommended Posts

RedSea   

asalamu calaykum,

It's a great time to worship Allah and ask him for forgiveness from your troubles.But it's also a great oppurtunity for every Somali to ask Allah and pray for his/her country. most Somalis are still in turmoil and hoping for a leader and I am not including Abdulahi Yusuf, because he is a war lord, not a leader, Warlords are what Somalis need to get rid of; not to place them as a leaders, although no one but warlords have chosen him. so please don't leave this Ramadan wasted wake up in the middle of the night, and pray for your countr abd people as well as yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maskiin Macruuf Aqyaar,

 

Adiga hadii lagu dhaho wadankii u ducee, maxaa uga dhigeysaa sida in laguu diray howl xun ama adag oo laga wahsado, waxaaba laguugu aaminay arin barako leh oo wanaagsane. Sida ka muuqato hadalkaaga, eeboow, waxaan ka baqaa inaad meesha xoolihiina kaliyah idiin daaqaan lee u duceysid si roob badan aad u heshiin, intakalena aad habaartid oo hadhow ay abaar ba'an ka dhacdo, sida maanta ka jirtaba meelo badan oo dalka ka mid ah. :D

 

Ok, MMA, hadaa diiday inaad kaligaa noo duceysid, bal orod oo bunka iyo hilbihii lagu alla-tuugi lahaa noosoo diyaari, anakaa howsha galeyna oo reer-duco-qabe kasoo jeednee! Been kuu sheegi maayo, reero dhan aan waxaan u nahay qolada ugu qeybsan ducada iyo alla-bariga. Marka, eeboow, inaadan gablamin aan kuugu duceyhaa ee inya roortid oo kudid, halkii bun ahaa oo bacbacleehaayo noosoo kari, unukaa mugaas duceyheynee. :D Minii kale, waad ku ducco la'dahee ogow!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cinwaan: Duco ku socota dalkii hooyo.

 

Ujeedo: Nabad iyo Barwaaqo inuu ilaah ka dhigo.

 

Afeef: waxaad la kulmi doontaa ducada dhexdeeda habaar ku socda qablayaasha iyo dableyda halista ah.

 

 

Waxaana ku alla tuugay sidatan:

 

Rabul Casiisoow adaan kugu cataabeynaa,

oo calaacalaha u hoorsanay. Colaadii wadankeeniyo canaasiirta dagaalka, ciribtir ku samee.

 

Ciil bey nabadeenoo, Cunahaa na xanuunoo, caburaad maskax saaqdaybaa cimrigeen kalawiiqay, ee adaa caadilnimadaada caanka aheyd,

wax ku ciidmin karaayee calaacalaha noo buuxi.

 

Casiisoow baryadaadaan laga caajizi kareynoo,

intey coomiyeyaashaas coobada na hayeen, cilmi baad u laheyd, ee xikmadaada cajiibkaa amuurtaas ku ahaatee, caawa noo abshiree.

 

In cilad aan lasaari kareyn iyo calaamaad ibtileysan ay qabqablayaasha ku habsato, anagana aan farxad taam ah iyo hurdo cuzumaad ugu baaqno dadkeenii ku bahgo'may duleedkaas kufriga.

 

Carro saafi ah, dhul saxansaxo leh,

dad isku caado ahoo,

caqiido waaxida heystaa,

yaad casiiskii boqranaayee,

dhamaanteen nagu uuntay,

waanse ka anfariirnoo,

aafaa na qaseysa oo

afrikaan na haweystiyo

adduunkaa nagu eegta cadow aan gabaneyn oo caruurtii naga laystay, oo misna soo cartamaaya, dhaqaalihiina curyaanshay,

colaad joogta abuuray,

nabadii cakiroo,

qoryo caarado dhuub ah oo

cidwalba curadkeed, ciyaar ciyaar ku dhameeyay, ee casiiskii boqranaayee,

adaa awoodaada balaaran iyo

cududaada layaabka leh, oo

cidwalboo is hortaagtaa ay candaadiq ka dhigeyso, yaan cishadaan kaa tuugnoo,

in aad nooga caabisid

cadowgaan na idleystay oo,

cisha walba na gumaada,

in ay ciida la sinmaanoo ciribtooda la waayo.

 

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

 

Jacburkaas oo aan tiriyay, waxaan rajeynayaa inuu noqdo ducooyinka uu Raxmaanka inaga aqbalo bishan ramadaan ee nagu soo abbaaran maalmaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Thanks my dear brother and trusted moderator,

It's true and I have already been doing the ducaa for my poeple living in all regions of the former Somali republic. I have done that and I will continue to do so in the future. cid imay diidin, waayo sababtaan usoo dhajiyay waxay ahaydba in aan xasuusiyo umada Somaliyeed dhamaanteed in ay dadkooda uduceeyaan.

Thanks again for you warm welcome it means alot to me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Assalamu calaykum,

 

Ducada ma xume oo waa wanaag loo baahanyahay.

 

Laakin

 

Malag imaadey maro ma reebtaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this