Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Nabaddoon Faarax Cabdi Waare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan  dib u heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this