Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska ciidamada dalkaasi ay uga mid noqanayaan howlgalka AUSSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo muddooyinkii la soo dhaafay ay la lahayd Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku kalsoontahay in Masar ay kaalin ka qaadan karto la dagaallanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, waxayna rajo ka muujisay in ciidamada dalkaasi ay gacan ka geystaan ​​xasillinta Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee dowladda Faderaalka ah taageera.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this