Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo ka hadashay safarka madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa-26-01-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Qaranka u fidisay marti qaad rasmi sidoo kale-na u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.

Safarka Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay.

Madaxweynaha waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale .

Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble.

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab.

Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .

𝐗𝐮𝐬𝐬𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ( 𝐃𝐚𝐲𝐫 )
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this