Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen shabakad ka tirsan Daacish oo ajaanib u badan

Recommended Posts

Deeq A.   
PSF-1.jpg?resize=639%2C356&ssl=1

Ciidamada Amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay shabakad ka tirsan Daacisho oo qorshaynayay in ay falal Argagixiso ka fuliyaan gudaha Boosaaso sida ay shaacisay dowladda.

Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 8 xubnood oo lix kamid ah ajaanib yihiin kuwaasi oo la shaqeynayay ninkii Yemeniga ahaa ee habeen ka hor lagu toogtay Boosaaso isaga oo qarax ku aasayay wadada weyn gaar ahaanna Al Nakhhil.

Laamaha Amniga Boosaaso waxay sidoo kale sheegeen in ay xiran yihiin dad tiradoofu gaarayso ilaa 100 qof oo ku eedaysan in ay xiriir la lee yihiin kooxaha Argagixisada ah islamarkaan uu baaritaan ku socdo waxaana ay u mahadceliyeen shacabka oo si weyn uga qayb qaatay soo gudbinta xogtooda.

“8 xubnood oo kale oo 6 ka mid ah Ajaanib tahay, ayaa Ciidanku qabteen. Waa kooxdii la shaqeynayey Ninkii Ajenebiga ahaa ee la dilay isagoo qarax aasayay sidoo kale 100 dad gaaraya xiran oo baaritaan ku socda, Shacabka aya shaqeyay” ayaa lagu yiro qoraal ka soo baxay Ciidamada Amniga.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen shabakad ka tirsan Daacish oo ajaanib u badan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this