Deeq A. Posted yesterday at 04:00 AM Mekelle (Caasimada Online) – In ka badan labo sano kaddib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaalkii ba’anaa ee ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa loolan awoodeed oo ka dhex aloosan xisbigii hore u awoodda badnaa ee TPLF waxa uu dhaliyay eedeymo “khiyaamo qaran” ah iyo inqilaab militari. Suurtagal ma tahay in xiisadahan soo kordhay ay horseedaan rabshado cusub xilli goor dhow uun laga soo kabtay mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa qarnigan, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 600,000 oo ruux? – Waa maxay TPLF? – Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa maamulaysay guud ahaan Itoobiya ku dhawaad soddon sano, illaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ahayn Tigray, xukunka la wareegay 2018-kii. La wareegiddii xukunka ee Abiy ayaa dhalisay bilooyin ay xiisad ka dhex taagnayd isaga iyo hoggaanka TPLF, taas oo ugu dambayn ku kalliftay Abiy inuu ciidamo u diro Tigray bishii November 2020, isagoo ku eedeeyay ciidamadooda inay weerareen xeryo ay lahaayeen ciidamada federaalka. Tani waxay hurisay dagaal labo sano socday oo u dhexeeyay fallaagada Tigrayga iyo ciidamada dowladda oo ay taageerayeen maleeshiyaad iyo ciidamada Eritrea, kaas oo ugu dambayntii lagu soo afjaray heshiis nabadeed bishii November 2022, oo loo yaqaan Heshiiskii Pretoria. Maamul ku-meel-gaar ah oo cusub ayaa laga unkay Tigray, waxaana hoggaamiye looga dhigay ruug-caddaa TPLF ka tirsan, Getachew Reda, iyadoo ay kormeeraysay dowladda federaalka. Hase ahaatee, bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Getachew iyo hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael. – Maxay isku hayaan? – Getachew ayaa wajahaya dhaleecayn la xiriirta dib-u-dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii nabadda — gaar ahaan ka saarista ciidamada Eritrea ee dhulka Tigrayga iyo dib-u-celinta hal milyan oo qof oo dagaalka ku barakacay. Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa markii hore dhexdhexaad ka ahaa is-qabqabsiga u dhexeeya Getachew iyo Debretsion. Balse warqad la shaaciyay Talaadadii, ayaa “hoggaanka sare ee ciidamada hubaysan ee Tigray” waxa ay ku eedeeyeen maamulka ku-meel-gaarka ah “in uu meel iska dhigay danta qaran ee shacabka Tigrayga, isla markaana uu ku kacay falal khiyaamo qaran ah”. Khabiir ajnabi ah, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageersan yihiin warqadda. Warqadda, waxay ku taageereen go’aan ay soo saartay TPLF sannadkii hore, kaas oo loogu baaqayay in Getachew laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha gobolka — mooshin ay xannibtay dowladda federaalka ee Abiy. Getachew ayaa sheegay in warqadda cusub loogu talagalay “in si cad loogu dhawaaqo afgambi, isla markaana lagu wiiqo Heshiiskii Pretoria”. Kjetil Tronvoll, oo ah cilmi-baare khilaafaadka ka faallooda, kana tirsan Kulliyadda Jaamacadda Bjorknes ee Norway, ayaa sheegay in “khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira TPLF” iyo “wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan fulinta Heshiiskii Pretoria” ay sii xoojinayaan xiisadaha. Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ay yihiin “laba-wajiilenimo awoodeed, kala aragti duwanaansho dhanka mabda’a ah, iyo gacan ku haynta kheyraadka,” gaar ahaan dahabka. – Xaaladdu intee bay ka sii dari kartaa? – Ilo-wareed dhanka ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa u sheegay AFP in “kooxda taageersan Debretsion ay dhaqdhaqaaqyo samaynayso, balse khatarta amni ay xaddidan tahay — ma filayo in rabshado baahsan ay qarxaan, dadku aad bay uga daaleen dagaal.” Tronvoll ayaase rajo xumo ka muujiyay, isagoo ka digay in khilaafku uu “isu rogi karo rabshado”. “TDF ayaa horay u kala qabatay labada dhinac, waxa ayna uga digtay inay sii hurinayaan colaadda, balse hadda waxa ay u muuqataa in khilaafkii siyaasadeed uu dhex galay TDF,” ayuu yiri. Khabiirkii ajnabiga ahaa ee aan la magacaabin ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad looga naxo”. “Dhinaca Getachew waxa uu u arkaa mowqifka militariga mid ah iclaamin dagaal — dadkuna waxay bilaabeen inay lacag kala baxaan bankiyada, ayna kaydsadaan raashin,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in mowqifka Ra’iisul Wasaare Abiy uu u badan yahay inuu noqon doono mid go’aan qaadasho leh. Jonah Wedekind, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xaaladdu ay labada dhinacba ka dhigi karto kuwo tabar-daran. “Ma cadda in TPLF ay weli awood ku leedahay inta badan shacabka, iyo in maamulka ku meel gaarka ah loo arko mid si sharci ah u matala dadka Tigray marka la eego dowladda federaalka,” ayuu yiri. “Muuqaalka siyaasadeed ee Tigray hadda waxa uu u muuqdaa mid kala daadsan si aan horay loo arag.” Share this post Link to post Share on other sites