Deeq A. Posted Saturday at 05:00 AM Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish oo qarax diyaarinayay. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland waxaa ninkan lagu dilay aagga Nakhiil, isaga oo miino ku aasayay waddo wayn oo ku taalla halkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xogta ninkan oo ajnabi ah ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah, islamarkaana ay sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay. “Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada difaaca ee maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale, taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga Boosaaso, ayna ka hortagi doonaan isku day kasta oo ka yimaada argagixisada. “Ciidanka ayaa heegan buuxa ugu jira adkeynta amniga magaaalada Boosaaso, waxayna uga mahadcelinayaan Shacabka Boosaaso sida dhakhsaha ah ee ay usoo gudbinayaan qofkii ay ka shakiyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa baraarug Shacab iyo Dowlad heegan ah oo isku duuban, si looga hortago dhagar kasta oo ay maleegaan Argagixisadu iyo cidkasta oo lagu ogaado in ay u joogaan magaalooyinka . Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi. Share this post Link to post Share on other sites