Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga oo Garoowe ku Qabtay Labo Nin Ethiopian ah oo Lagu Tuhmayo Fal Amni Daro

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe, Puntland – Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Garoowe ku qabtay labo nin oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay falal amni darro.

Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijiyeen, mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa xirnaa xijaabka dumarka, taasoo dhalisay tuhun xooggan.

Saraakiisha amniga ee Puntland ayaa sheegay in labada eedeysane ay hadda ku jiraan baaritaan, si loo caddeeyo sababta ay xijaabka ugu labbisteen iyo haddii ay ku lug leeyihiin falal halis ku ah amniga.

Maamulka Puntland wali faahfaahin rasmi ah kama bixin sababta keentay xarigooda iyo waxa lagu tuhunsan yahay.

Ciidanka ammaanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, gaar ahaan xilliyada habeenkii, si looga hortago falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this