Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo baaritaan rasmi ah ku bilowday kalluun badan oo ay baddu soo tuftay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1737793152508.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland oo adeegsanaysa khubaro aqoon durugsan u leh Cilmiga badda iyo Seyniska ayaa baaritaan rasmi ah ku bilowday sababta keentay in Kalluun badan ka soo caariyo xeebta magaalada Boosaaso.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo kaashanaysa wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa baaritaan ku bilowday sababta keentay in uu xeebta Boosaaso dibadda uga soo baxo kalluun badan oo nooca Homboborada loo yaqaan ah kaasi oo ay ku jiraan tiro ka badan 100 oo dhintay.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo ay weheliyaan khubaro ka socda jaamacadaha oo aqoon u leh Culuumta badda ayaa booqday goobtii uu ka soo caariyay kalluunka badan waxaana ay dhecaanno ka soo qaadeen in ka badan 100 Homboro oo dhintay halka ay muunad (Sample) ka soo qaadeen biyihii badda ee soo tufay kalluunkaasi.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in baaritaan cilmiyaysan loo dirayo dhecaannada Homborada iyo muunadda laga soo qaaday biyaha badda si loo ogaado sababaha keenay in baddu soo tufto kalluun intaasi tiro le’eg oo dhintay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo baaritaan rasmi ah ku bilowday kalluun badan oo ay baddu soo tuftay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this