Sign in to follow this  
Herer

Guddoomiyaha UCID oo Fashiliyey Qorshe Sir ah oo uu Sheegay in Lagu Kala Googeynayo S

Recommended Posts

Herer   

“Dad baa waxay leeyihiin haddii Somaliland ku darsami weydo Soomaaliya ninkastaaba intiisa ha goosto” Faisal Cali Waraabe

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa fashiliyey qorshe sir ah oo uu sheegay in la doonayo in lagu kala googooyo dalka Somaliland.

 

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu xusay in qorshaha lagu kala googeynayo dalka ay ku jiraan dawladdo uu sheegay inay saaxiib la yihiin Somaliland, kuwaasi oo aanu magac dhabin, isaga oo xcaddeeyey in aannu ilaa hadda ka warqabin xukuumaddu qorshahan ku jirto iyo in aanay ka warqabin oo nacasnimo ku tahay.

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shalay hadlay magaalada Hargeysa wax auu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan qorshahan uu sheegay in lagu kala googeynayo dalka, isaga oo dadka arrintaa ku mashquulsana uga digay in difaaca Somaliland ay u diyaar yihiin dadkii dalka ka xoreeyey taliskii Siyaad Barre ee quwada weynaa.

 

“Somaliland waxa ku socda shirqool weyn oo lagu doonayo in dalkeena lagu googoosto, dad baa waxay leeyihiin haddii Somaliland ku darsami weydo Soomaaliya ninkastaaba intiisa ha goosto.

 

Qorshahana waxa ku jira dawlado aynu la saaxiib nahay oo dabada ka riixaya, dadka reer Somaliland waxaan leeyahay walaalayaal feejignaada waxa innagu socota arrin khatar ah oo dadkeenu aanay u jeedin, dawladeenana inay qayb ka tahay iyo inay nacasnimo ka tahay aanan kala garanaynin, balse waxa innagu socda qorshe khatar ah oo in dalkeena la googooyo oo la sameeyo qariidado oo xuduudo la beddelo.

 

Dadka arrintaa wadana waxaannu u sheegaynaa in aanay taas suurtogal noqonayn oo ay maanta joogaan dadkii Somaliland ka soo dhiciyey Soomaaliya, iyaga oo waqtigii halganka manta ka quwan badan oo ka midaysan, cidkastana waannu iska celinaynaa, waanan ilaashanaynaa dhulkayaga iyo qarannimadayda,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

Waa markii u horraysay ee siyaasi reer Somaliland ahi ku dhawaaqo inay jiraan qorshayaal la doonayo in lagu kala googooyo Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay siyaasiyiintu mucaarid iyo muxaafidba midba dhinaca kale ku eedeeyo inay ku hawlan yihiin qorshayaal lid ku ah qaranimada Somaliland.

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faisal Waraabe is mentally retarded individual, of cousre it's not rocket science to figure out, if Somalia is divisible, the former British somalo colony is also divisible, because the old British maps are irrelevant today, the 21th century

 

snm clan faction and its fans need to wake up and smell the coffee, somalidiid-land will never ever get recognition, people face the reality

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this