Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobow oo digniin adag u diray dhinacyo u hoggaansamay amarrada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
mukhtaar-roobow.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota Macaahida sharciga, Dugsiyada Qur’aanka iyo Imaamyada Masaajidda.

Wasaaradda ayaa dhinacyadaas uga digtay in ay la shaqeeyaan, lala macaamilaan kooxaha Khawaarijta ah.

Wasaaradda Awqaafta ayaa ku goodisay in cidii lagu helo fal la xiriira in Khawaarijta uu la shaqeeyo laga qaadi doono talaabo adag.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa cuskatay labo qodob oo kala ah:

  1. War-Saxaafadeedkeedi hore ee ku tarlikheysnaa Tr. 07/02/2023 ee lagu mamnuucay la macaamilka iyo u tagista kooxaha Khawaarijta.
  2. Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022, Janaayo 2023 iyo Julaay 2024, laguna soo saaray Fatwooyinka Sharciga ah ee ka dhanka ah la macaamilka kooxaha Khawaarijta.
    Qoraalka waxaa lagu yiri “Wasaaraddu waxay xog ku heleysaa in ay weli jiraan qaar kamid ah Dugsiyada Qur’aanka, Maamulayaasha Macaahida Sharciga iyo Imaamyada Masaajidda qorsheynaya inay u hogaansamaan amarrada Khawarijta.”      Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay heyso xog sheegeysa in qaar kamid ah xubnaha kor ku xusan ay ku howlan yihiin aadista goobaha khawarijtu ku dhuumaaleysato.

Wasaaradda Awqaafta ayaa qoraalkaan ku cadeysay in qof kasta oo macallim dugsi Qur’aan, maamule Machad, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamida amarradooda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Qofkii la macaamila Khawaarijta looma hayo wax cudur daar ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ay soo saartay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka ee xukuumadda Soomaaliya.

IMG_5591-1.jpeg?resize=696%2C858&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this