Jacaylbaro Posted April 2, 2008 Garoowe(Jidbaale)Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Cadde una dhashay SSC, ayaa ku hawlan sidii loo baajin lahaa,shirka ay ku baaqeen Isimaddu,ee lagaga tashanayo xaaladaha taagan. Mid ka mid ah Isimada SSC,ayaa u sheegay Jidbaale.com in degmada Boocame oo la filayey in shirku ka dhaco, uu arintaasi burburey,kadib markii Wasiirka Isboortiga C/nuur Cilmi Biindhe oo asal ahaan ka soo jeeda Degmada Boocame,uu arinkaasi is hortaagay,isagoo adeegsanaya qaar ka mid ah Waxgaradka degmada. Madax dhaqameedku waxaa uu intaasi ku daray in qorshaha lagu fashilinayo qabsoomidda shirkaasi uu yahay mid ay wasiirka ku weheliyaan xubno sar sare oo Xukuumada Cadde ka mid ah,wuxuuse sheegay in ay tagayaan deegaanka Tuka-raq,ayna halkaas ku tashan doonaan,wuxuuna intaas ku daray Isimku in ay iibsadeen Agabkii kala duwanaa. Bulshada SSC ee dal iyo dibad ayaa soo dhaweeyey, wararkii dhawaan ka soo baxay Isimadda ku sugan Garoowe,ee sheegayey in layskugu yimaado shir wada-tashi oo dib loogu eegayo dhulka la haysto, kadib markii ay xukuumadda Cadde,arinkaasi ka soo bixi weyday. Shirka ay Isimadu ku baaqeen ayaa markii uu soo baxay,waxaa qaylo dheer arinkaasi ka muujiyey Cadde Muuse iyo Xasan Daahir,waxaanu cadde shir la qaatey qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee ssc ka hor intii aanu dhoofin,waxaana la sheegay in Cadde uu ka codsaday Isimada in ay 7 cisho sugaan,marka uu yimaadana uu arinka Gobolka Sool wax ka qabanayo,wallow la sheegay in ay arintaasi ku gacan saydheen Madaxda dhaqanka ee uu la shiray. Jidbaale.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites