Sign in to follow this  
General Duke

Eid Mubarak Somaliaonline political junkies

Recommended Posts

idmubarak.jpg

Waxan ugu hambalyeynaayaan shacabka Somaliyeed gaar ahaan akhristayaasha shabakadan SOMALIAONLINE.COM farxadan ciidul ADXA oo ku beegan maalinka berito ah oo taariikhdu tahay 27/11/09.

 

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uu ciidan ciideeda nagu gaarsiiyo bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo dalkeena oo Ilaahay inoo dejiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya: Dunida Islaamka oo laga ciidayo Maalinta beri ah…Sideese looga ciidayaa Soomaaliya….

26. november 2009

 

 

Soomaaliya(AllPuntland)- Dunida Muslimka ayaa laga oogayaa beri Salaada Ciidul Adxaa, ayadoo ay ka qeybgalayaan Malaayiin Musliim ah oo ku nool daafaha aduunka aanu ku nool nahay, waxa ayna berito Muslimiinta oo dhan utahay maalin farxadeed, ayadoo sidoo kale ku beegantay Maalinimada Jimcaha oo iska ahayd maalin Iideed.

 

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Islaamka kaliya ay ku nool yihiin ayaa laga ciidayaa maalinta beri ah, siwada jir ah, waxaana laga oogayaa Salaada ciidaas guud ahaan dalka Soomaaliya, oo Iidan ku iidaya dagaalo iyo rabshado 20 sanno jirsaday.

 

Madaxda dhinacyada Siyaasadeed ee Soomaalida ayaa oo saaray qoraalo kala duwan oo ay kula hadlayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in ay usoo baxaan Tukashada Labada rakcadood ee Salaada Iidul Adxaa, waxa ayna ugu baaqeen shacabka in ay ka shaqeeyaan daganaanshaha iyo amaanka Soomaaliya.

 

Dawladda Soomaaliya, Al- Shabaab, Xisbul Islaam, Puntland & Somaliland, ayaa dhamaantood oo Wariyaasha uqeybiyey Warsaxaafadeedyo lugu sheegayo Maalinimada berita ah in ay tahay maalin ciid ah, waxa ayna sheegeen in ay dadweynaha farayaan in ay amaanka ilaaliyaan.

 

Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ah labo Urur oo ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa dhinacooda raaciyey intaas xarumo ay ku tukan doonaan dadka Soomaaliyeed ee jooga magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, oo ah meel ay ku hardamayaan dhinacyo kala gedisan.

 

Dadka Soomaalida ayaa isku diyaariyay tukashada Salaada Ciida, waxanaa lafilayaa in ay dhageystaan hadalo ku aadan xaajada dalka Soomaaliya iyo arrimaha la xariira oo ay jeedin doonaan dhinacyo kala gedisan.

 

Soomaaliya Ciida la iidaysa guud ahaan dunida Islaamka, waxaana Malaayiin Muslim ah ay jiraan sannadkan gudashada waajibaadka Xajka oo ay hada ku guda jiraan, oo ay utahay berito maalintii labaad ee ay ku jiraan fulinta waajibaadka Alle weyne.

 

BAHDA APL ayaa berito la ciidi doonta Malaayiin Musliim ah, waxa ayna idiin soo gudbin doonaan Barnaamijyada ku saabsan Ciidul Adxaa, gaar ahaana hadalada laga jeediyo meelaha kala gedisan ee Soomaalida iyo waxyaabaha khuseeya ee laga jeediyo dacalada dunida ee ay joogaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this