Sign in to follow this  
Deeq A.

Faa’iidooyinka caafimaad iyo nafaqo ee geedka Moringa, Cilmi baadhis lagu soo bandhigay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay cilmi baadhis lagu ogaaday faa’iidooyin dhinaca caafimaadka ah oo uu dadka u leeyahay geedka Moringa, oo loo yaqaan ‘geedkii mucjisada ahaa’.

Daraasadan la soo bandhigay oo socotay muddo ka badan 10 sano, waxaa waday jaamacadda Toronto ee dalka Canada iyo machadka Hagarla Institute, oo ah machad ay madax ka tahay gabadh dhakhtarad Soomaaliyeed ah oo la yidhaahdo Drs. Deeqa Aadan Mire Waqaf.

Sida ay BBC-da u sheegtay Drs. Deeqa Aadan Mire Waqaf, waxaa daraasaddan lagu ogaaday faa’iidooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah oo uu leeyahay Geedka Moringa, oo ah mid muddooyinkii u dambeeyey Soomaalidu ku baraarugtay muhiimada uu leeyahay, inkastoo aynaan weli helin magaca saxda ah ee ay Soomaalidu u taqaanno geedkan.

Waxa kale oo lagu xusay daraasaddan in geedkan noocyadiisa kala duwan mid walba faa’iidooyin gaar ah leeyihiin, sida midhihiisa, caleentiisa iyo qoloftiisuba, kuwaas oo ka hortaga cudurrada qaarkood, halka qaar kalena lagu daweeyo.

Faa’iidooyinka uu geedkan leeyahay
Moringa waa il cunto caafimaad leh oo dadku ka helaan Geedkan iyo sidoo kale calafka xoolaha. Waxa kale oo jirta in cilmi-baadhistan lagu ogaaday in midhihiisu leeyihiin nafaqo dabiici ah.

Faa’iiddada geedkan leeyahay ee la arkay ka dib, ayaa wuxuu uu soo jiitay Drs, Deeqo Aadan Mire, oo ah gabadh dhakhtar Soomaaliyeed ah, ahna agaasimaha machadka Hagarla Institute, oo bilowday sannadkii 2011-kii, sidii ay u daraasayn lahayd muhiimada geedka Moringa u leeyahay bulshada Soomaalida, oo xilligaasi ay tabaaleeyeen dhibaatadii macaluusha ee ka dhalatay abaarihii adkaa ee jiray “Soomaaliya, Somaliland iyo geeska Afrika, dhibaatooyin iyo abaarro ayaa ka dhacay, taas oo dad iyo xoolaba ay ku baab’een, dadkuna nafaqo darro u dhinteen. markaa waxa nagu dhashay in dhibaatada soo noqnoqotay aan xal u raadino, weliba mid gudaha ka yimaada, markaas waxa aanu xidhiidh la samaynayn saynisyahannada Jaamacadda Toronto ee dalka Canada, ka dibna cilmi baadhistan ayaan bilownay 2011-kii, taasoo maanta soo bandhignay”.

Drs, Deeqo Aadan Mire, oo BBC-da uga warantay cilmi baadhistan, waxay sharraxaysaa waxyaabaha ay ku ogaadeen daraasada ay ku sameeyeen Geedka Moringa “Daraasadan markii aanu samaynay wax badan oo faa’iido ah oo uu leeyahay geedkan Moringa Oleifera ayaan helay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Geedkan Biyaha nadiifinayo, oo xanuun dhaliyihii ka dilayo, nafaqo ayuu leeyahay hooyada uurka leh ayuu u wanaagsan yahay, dhiig yaraanta ayuu wax ka tarayaa, sidoo kale xanuunka macaanka ayaa loo qaataa, waxa loo isticmaalaa cunto ahaan, dawo dhaqameed iyo caws ay xooluhu cuntaan.” ayey tidhi Drs, Deeqo Aadan Mire

46f93be0-d8d4-11ef-a37f-eba91255dc3d.jpg
Taariikhda iyo asalka Geedka Moringa
Geedka Moringa, wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa dhinaca koonfurta Qaaradda Aasiya oo uu si weyn uga baxo, gaar ahaan dalalka Hindiya iyo Filibiin, waxaana geedkan kumanaan sano loo soo isticmaali jiray cunno ahaan iyo daawo ahaanba.

sida lagu qoray barta Machadka Hagarla Institute, waxaa jira caddeymo muujinaya in Soomaaliya ay muddo tobanaan sano ah ku lahayd geedaha Moringa Oleifera nidaamka deegaanka beeralayda, laakiin aqoontaas ayaa u muuqata in ay luntay muddada dheer ee dagaalka.

Axmed Ibraahim Cawaale, oo ah khabiir aqoon u leh noocyada dhirta, oo BBC-du weydiisay salka geedkan, waxa uu xusay in bahda geedkan Moringa ay yihiin 13 nooc oo kala duwan, isaga oo sheegay in shan ka mid ah noocyada laga helo deegaannada Somaliland “Noocan aynu ka hadlayo waa nooca la yidhaahdo Moringa Oleifera, waxa laga helaa koonfurta Aasiya, laakiin imika adduunka aad ayaa loogu faafiyey faa’iidadiisa awgeed”.

Geedkan waxa la tilmaamaa inuu yahay mid abaarta u adkeysaneysa oo ku baxa cimilo qallalan. Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa sharraxaya nooca cimilada uu ku baxo Geedka Moringa “Inta la ogyahay Geedkan waa mid cimilo kasta ku bixi kara, tusaale ahaan Berbera waan ku arkay, dhulka buuralayda waan ku arkay, magaalooyinka waa ka wada helaysaa. Markaa Geedkaas meel walba wuu ka baxayaa”.

03fcfd80-d8d5-11ef-a37f-eba91255dc3d.jpg

Muxuu geedkan u noqday mid muhiimad gaar ah u leh dadka danyarta ah
Inkasta oo Geedkan Moringa dadka u leeyahay faa’iidooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, haddana sida uu qabo Axmed Ibraahim Cawaale, oo ah khabiir Deegaanka ah oo la hadlay BBC-da, geedkan waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka saboolka ah, “Geedkan Moringa, waxa la yidhaahdaa geedkii dadka saboolka ah, sababta sidan loo yidhi waxa weeye, waa kaabe, kaabaya dadka danyarta ah, gaar ahaan dhinaca nafaqada, macaankii, dhiig karka, dumarka naaska nuujinaya caruurta, markaa dadkaas danyarta ah ee aan haysan dhaqaale ay ku tagaan isbitaallo ayuu caawinayaa geedkan” ayuu yidhi Axmed Ibraahim Cawaale.

Dadka barakacayaasha ah ee xeryaha, waxay halkaas kula kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo keena in ay u nuglaadaan xanuunnada, madaama aanay helin cunnooyin nafaqo leh iyo adeegyo caafimaad. Geedkan Moringa ayey sheegtay Drs, Deeqo Aadan Mire in dadku u baahan yihiin inay fahmaan sidii ay u isticmaali lahaayeen, taasooay ku ku wacyi gelinayaan “Dadka barakacayaa, waa dad xoolihii ka baxeen, dad wax haysta maaha, Geedkan caleentiisa ayey u baahan yihiin, midhihiisa ayey u baahan yihiin, markaa dadkaas ma yaqaanaan geedkan muhiimada nafaqo ee uu leeyahay, markaas ilaa kun geed ayaanu ku beeraynaa Xerada barakacayaasha ee Digaale ee Hargeysa ku taala, si dadkaas uga faa’iidaystaan” ayery tiri.
9c226c30-d8d5-11ef-902e-cf9b84dc1357.jpg

Qorshaha Wasaaradda Deegaanka ee ku saabsan Geedkan
Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, ayaa sheegay in ay billowday qorshe Geedka Moringa ay ugu qaybinayso dadweynaha si ay u beertaan, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha, si ay uga faa’iidaystaan muhiimada uu u leeyahay caafimaadka.

Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo daaqa ee Wasaaradda Deegaanka Axmed Ibraahim Warsame, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in beerista Geedkan uu ku yar yahay gudaha Somaliland, isla markaana dadka beertaa ay yihiin kuwo arrimo ganacsi uga faa’idaysta “Waxaad moodaa in aanay dadku ku baraarugsanayn muhiimada Geedkan leeyahay, oo dad gaar ah oo ka ganacsada ayaa beerta. markaas Wasaaradda Deegaanka haddii aanu nahay dhir badan oo Geedka Moringa ayaan soo saarnaa cid qaadanaysa oo doonaysa in ay beerato ma jirto” ayuu yidhi agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland Axmed Ibraahim Warsame, waxa uuna intaasi raaciyey “Baabuur ayaanu ku qaadnaa oo meelaha dadku deggan yihiin, gaar ahaan danyarta ayaan geynaa, laakiin ma fahansana weli, markaa waxaanu samaynaynaa wacyi gelin in aanu dadka barto geedkan”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this