Sign in to follow this  
MoonLight1

MINISTER HASHI AMBASSADOR LAQANYO AND 15 OTHERS ARE DEAD.

Recommended Posts

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo sheegatay iney ka dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaarajiyey mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen qaraxii ismidaamiinta ahaa ee barqanimadii maanta lala beegsaday hotel ku yaala magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kaasoo ay ku dhinteen illaa 15 ruux oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Faarax Laqanyo.

 

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qaraxaasi uu fuliyey nin ka mid ahaa dagaalyanadooda oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo uu la galay hotel ku yaala magaalada B/weyne oo ay deganayeen masuuliyintaasi geeriyootay wuxuuna ku eedeeyey masuuliyintaasi iey gobolka ku soo hogaaminayeen cadow ah ayna wadeen abaabul dagaal oo iyaga ka dhan ah.

 

“Waxaan ugu bishareyneyna dhamaan umada Soomaaliyeed ee Islaamka ah iyo mujaahidiinta meel kastoo ay joogaan in maanta mujaahid ka tirsan mujaahidiinta uu caalamiya istishaadi ah ku fuliyey kooxo iskugu jirta mas’uuliyiinta Dowlada ridada iyo kuwa nasaara ah oo shir lahaa, waxaana looga taqalusay ILAAHAY uu goobtaas ku halaajiyeyt ninkii wasiirka amniga sheegan iiray iyo nin kale oo ka mid ahaa kuwa ugu sharta badan gobollkaasi” ayuu intaa ku daray Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud oo la hadlayey qaar ka kid ah warbaahinta magaalada Muqdisho.

 

DAYNIILE.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Wasiirki Amniga Qaranka Cumar xaashi Aadan , C/kiriin Laqanyo iyo magaalada Baladweyne ninkii u qaabilsanaa aminiga oo ku geeriyooday Qarax Ismaiidaamin oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka amniga Qaranka DF Somalia Col. Cumar Xaashi Aadan iyo masuuliyiin Kale oo ka tirsan kuwa Midowga Maxaakimta Islaamka ee gobolka Hiiraan ay ku dhinteen qarax ismidaamin ah oo lala beegsaday hotelka Madiina ee magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo ay degenaayeen ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey uu nin naftii hure ah la galay hotelkaasi.

 

 

Warkan ayaa waxa boggan waxaa bogan u xaqiijiyey masuuliyiin sare oo ka tirsan DF Somalia kuwaasoo intaa ku daray in sidoo kale dadka dhintay uu ku jiro Danjire C/kariin Faarax Laqanyo oo uu ka mid ahaa danjira DF Somalia u fadhya dalka K/Afrika iyo weliba madaxa Amaanka maamulka Islaamiga ah ee magaaladaasi Sheekh Ibraahim Yuusuf waxaana sidoo kale ee la xaqijiyey iney halkaaasi ku dhinteen dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen ciidamada DF Somalia.

 

Dowlada midnimada Qaran ayaa 24 saac gudahood ku weysay masuuliyiin badan oo muhiim ah iyadoona shalaytana uu geeriyooday Taliya ciidanka Boliiska gobolka Banaadir

 

Qaraxaaan maanta dhacay ee looga taqlusay masuuliyiintaasi ayaa guul u ah xoogaga sida weyn uga soo horjeeda dowlada midnimada Qaran uu garwadeenku ka yahay Sheikh Shariif sheikh Axmed

 

Dhimashada ayaa hadda sii cagacageyneysa 70 qof oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab waxaana la dhihi karaa waa qasaarahii ugu badnaa ebed ee halkaa ka dhaca

 

Col Cumar Xaasho Alaha u naxariistee ayaa ah gacanta midig ee madaxweyne sheikh Shariif

 

 

Ma jiro ilaa hada war rasmi ah oo DF Somalia hase ahaatee qaraxan ayaa gilgilay magaalada sababayna qasaare balaaran oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad aad u fara badan oo ku sugnaa ilinka hore ee hotelkaasi, kuwaasoo ilaa hadda aan la ogeyn tiradooda saxda ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this