Deeq A. Posted January 22 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲:Ahmiyadda ay Hay’adda Horumarinta Waddooyinku u leedahay dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarka dalka. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: La-tashi; 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚; 1. In Maxamed Faarax Cabdi Nuur uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗟𝗲𝗵 _______________________________________ 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼) 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites