Deeq A. Posted January 22 Ballan Fuliye: Mahadsanid Madaxweyne Asalaamu Calaykum Waxaan Farxada la qaybsanayaa una hambalyaynayaa Xubnaha Ciidamadeena Qaranka ee Milatariga, Booliska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha, Dabdemiska iyo Sirdoonka Qaranka oo maanta uu mushahaarooyinka 50% u kordhiyay Madaxweynha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “ Cirro”. Kordhinta mushahaarooyinka Ciidamadeena Geesiyaasha ahi waxay timi xili loo baahnaa oo ka farxisay Askari kasta, carruurtooda iyo xaasaskooda. Ciidamadeena oo ah kuwa aynu ku seexano ee habeen iyo maalinba heegganka u ah difaaca dalkeena iyo ilaalinta amnigeena, waxay u qalmaan wax kasta oo lagu tari karo daryeelkooda iyo horumarintooda. Mudane Madaxweyne aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay Talaabada Geesinimada ah ee ku dhiirrashada leh ee aad qaaday inaga oo ogsoon hoos u dhaca dhaqaale ee Dalkeena ka jiray sanadihii la soo dhaafay. Waa Talaabo Taariikhi ah oo aan la ilaawi doonin in Ciidamadeena uu mushaharkoodu kordhi doono Boqolkiiba Kontan shanta sanadood ee soo socda Insha Allah. Jamhuuriyada Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Qaran News Share this post Link to post Share on other sites