Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi no conflict between the president myself

Recommended Posts

Muqdisho: Prof: Geeddi ma jiro khilaaf naga dhaxeeya Madaxweynaha, waxaana buun buuninaya idaacadaha iyo warbaahinta"

6. Oktober 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Prof; Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha isla markaana aysan jirin khilaaf ka dhex taagan mas'uuliyiinta sare ee dowladda isagaa ku eeedeeyay qaar ka tirsan idaacadaha iyo warbaahinta in ay buun buuniyeen hadaladaasi oo ku tilmaamay kuwo raqiis

ah.

 

"Qorshaha cusub ee ay soo bandhigeen maamulka Gobolka Banaadir iyo guddiga amniga qaranka ayaa wax weyn ka qabann doona falalka lagu ugaarsanayo dadka wax galka ah isla markaana lagu leynayo shacbiga rayidka ah ee ku sugan xaalada adag taasoo ay geysanayaan kooxaha nabad diidka ah" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaare Geeddi.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Gen. Axmed Jilacow Caddow iyo mas'uul ka tirsanaa xeer ilaalinta Gobolka Banaadir oo shalay kooxo hubeysan ay ku tileen Muqdisho oo uu sheegay iney qeyb ka tahay falalka ay wadaan kooxaha uu ku tilmaamay arxan laawayaasha ee nabad diidka ah, wuxuuna shacbiga ku dhaqan Muqdisho ka codsaday iney gacan ka geystaan qorshaha cusub oo dhawaanba ka hirgalaya magaalada oo dhan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Max’ed Geedi “Khilaaf ma jiro laakin cid walba oo wax dhexdhexaadinaysa

 

 

Ra’isalwasaaraha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayaa ka hadley wararka isa soo taraya oo ku aadan khilaafka la sheegay in uu u dhaxeey isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Prof.Cali Max’ed Geedi ayaa farta ku fiiqey inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, isagoo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwa la buunbuuniyey oo idaacadaha ay si weyn u buun buuniyeen.

 

Ra’isalwasaaraha oo aan waydiinay in khilaafaadka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha uu keenayo kor u kaca ku yimid rabshabadasha iyo dilalka sida tusbax afka laga furay uga soconaya magaalada Muqdisho wuxuuna taasi kaga jawaabay inaanay aheyn kuwa isku xiran oo ay yihiin falalkaasi ficiladii wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada caalamiga ah, waxaana uu si adag mar kale ugu celiyey inaanu jirin wax khilaaf ah oo xiligan jira.

 

“Dalka Dawlad ayaa ka jirta hadii ay dhacdo in wax uun lagu kala fikir duwan oo soo kala dhex gala madaxda sar sar ee Dawlada taasi waxaa loogu kala baxayaa dastuurka wadanka u yaal , madaxda sar sar ee Qaranka waxay leeyihiin shaqooyin kala duwan oo ay kala leeyihiin iyo waliba kuwa ay wadaagaan, laakin cid kasta oo isku dayaysa inay xal raadiso waa ay u istaagi karaan dhamaan dalka oo dhan waxaa inoo yaal hawl baaxad weyn” ayuu yiri Ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'isal wasaare Geedi " Khilaafka la sheegay in uu noo dhaxeeyo Aniga iyo Madaxweynaha ma ahan mid jira , waxaaana bunbuuniyey Warbaahinta si ay u jahwareeriyaan Beesha Caalamka iyo Shacabka Somaliyeed"

 

Ra'isal Wasaaraha Somalia Pr:Cali Max'ed Geedi ayaa waxaa uu si kulul u beeniyey in uu jiro khilaaf u dhaxeeay isaga iyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka

 

Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waxaana u ku eedeyey Warbaahinta in ay dacaayado raqiis ah u sameeyeen buunbuuninta arintaa si buu yiri loo jahwareeriyo beesha Caalamka iyo Shacabka somaliyeed.

 

Ra'isal Wasaare Geedi ayaa waxaa sidoo kale wax uu ka hadlay Dilkii naxdinta lahaa ee shalay lagu dilay Jeneraal Jilicow Axmed Cadow oo kooxo Qarandiidyo ah ay toogteen, waxaana uu sheegay in dilkaa ay ka danbeeyaan Kooxaha Argagaxisada ah ee Muqdisho falqalada ka wadaa .

 

Pr:Cali Max'ed geedi ayaa waxaa u dhinaca kale sheegay in dhawaan uu soo socdaa qorshe dhabarka looga jibinayo ama lagu wiiqayo awooad Kooxaha Argagaxisada.

 

Mar uu ka hadlayey Kooxda Tuulada Asmara Isbahaysiga ay dhawaan dhisteen iyo Saameynta uu yeelan karaa waxa uu sheegay in Kooxdaa aanay marnaba Guul Siyaasadeed ku gaareen in ay Asmara Joogaan balse loo baahanyahay in hadii ay somali u damqanayaan in ay Muqdisho Yimaadaan oo Wadahadalo ay soo xaadiraan lakin waxa u si weyn ugu daruuray Gaashaanka in aanay marna ku fikin in Saldanad Siyaasadeed ay ku gaari karaan Awood Milatari in la laayaa dadka rayidka ah.

 

Isagoo sii ambaqaadaya Hadalkiisa ayu Ra'isal Wasaaraha waxa uu taageray Qorshaha ay wadaan Maamulka G/Banadir,Taliska Police-ka oo ku aadan in Amaan lagu soo daabalaa Caasimada Muqdisho iyo hawlgalada dhawaan ka bilaaban doonaa Daafaha Caasimaad Muqdisho.

 

Xafiiska warqaabdka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

raysal wasaare geedi oo ku nuuxnuuxsaday inaanu jirin khilaaf ka dhextaagan madaxda sare ee dawlada

 

muqdisho "kala Afkaar duwanaanshaha madaxda dowlada wax shaqo ah kuma yeelan karaan howlaha dowlada iyo amaanka la sugayo" sidaasi waxaa yiri Ra'iisal wasaaraha dowlada Federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof: Cali Maxamed Geedi.

 

Sida Idaacadaha wax u buun buuninayaan wax uma jiraan, cidii daneyneysa in ay arrimaha jira wax ka gasha waan soo dhoweynaynaa.

 

Prof. Geedi isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka Mas'uuliyada dowlada laga hadlayo xilalka waa la kala leeyahay, waa la is qaban karaa oo meesha maaha guri nin leeyahay”.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa beeniyay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Dowlada Federaalka, gaar ahaan isaga iyo Madaxweynaha Dowlada Kmg Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay in wax weyn laga qaban doono amaanka dalka, gaar ahaan kan gobolka Banaadir.

 

Prof. Geeddi ayaa carabka ku dhuftay in Kooxihii dhowaan ku shirey magaalada Asmara, isbahaysgana kaga dhowaaqey aaney waxba ka bedeli karin xaalada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Sida Idaacadaha wax u buun buuninayaan wax uma jiraan, cidii daneyneysa in ay arrimaha jira wax ka gasha waan soo dhoweynaynaa.

Muxuu uu dalbana dhex-dhexaadiyal hadeysan wax jiran - contradiction at its best.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^ You tel me sxb - and it is exactly what I have been asking for ages, while you are at it do you thing the transition will be smooth and mutually accepted by both factions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If there is change of PM I do not think there will be much fuss.

The anti-governemnt clan media seems to be going all over the place with this issue, as they do not have much to hold on to. Since the ASMARA GROUP has become a nothing and the "insurgency" is doing more harm to these groups interest than to the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^If there is change of PM I do not think there will be much fuss.

The anti-governemnt clan media seems to be going all over the place with this issue, as they do not have much to hold on. Since the ASMARA GROUP have become a nothing and the "insurgency" is doing more harm to these groups than to the TFG.

Hal hal uu kala qaad sxb:

 

There will be no fuss you say, how can we trust you when you were denying the rift for a quite long time. Secondly , there will be big fuss, and there was already one before the scenario even started - like the detention of Chief Judge - who is from Geedi's camp and who would have refused the legality of the removing Geedi. With that mind am sure there will be conter-action coming from geedi's camp to confront Yeey's move.

So we will not accept when you say there will be no fuss aswe know more than you.. :D

And the other I failed to understand is that are you saying that the Asmara group and the insurgents are not linked - please clarify.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^. Juje, I told you this was not a big deal, while you was parroting the line from the clan media outlets regarding weapon massing and predicting clahses.

The TFG is united, even while there is speculation, take for example the new major security offensive taking place, its well coordinated from the mayors office, the NSS, Cabinet to the Executive.

Geedi is now coming out as shown above stating it was all media hype.

Thus again you have been proven to be wrong.

Now in my opinion if there is change, there will be no more a fuss with Geedi as there was with Sharif Xasan when he was removed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this