Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Masar + Qorshihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sisi.jpeg?fit=2048%2C1408&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al-Siisi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Switzerland uu isla maanta usii gudbi doono magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Sidoo kale waxa ay isla eegi doonaa xaaladda gobolka iyo isbeddaladii dhacay, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Labada dhinac ayaa ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa in haatan ah ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dowladda Masar ayaa haatan la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this