Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo daah-furay bilowga diiwaangelinta samaynta Buugga gaadiidka Dawladda .

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda img_5_1737385501190.jpg

img_1_1737385426623.jpg

img_6_1737385518369.jpg

img_7_1737385550181.jpg

img_8_1737385564684.jpg

img_9_1737385581240.jpg

img_10_1737385599945.jpg

img_2_1737385453518.jpg

img_3_1737385470249.jpgSomaliland daah-furay bilowga Diiwaangelinta samaynta Buugga gaadiidka Dawladda .

Hargeysa,(Qarannews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaangelinta samaynta buugga gaadiidka dawladda oo dalka ka bilaabmatay.

Diwaangelintan, ayaa looga gol leeyahay in la tirakoobo, lana Diwaangeliyo dhamaan Gaadiidka dawladda, waxaaney socon doonta muddo bil, iyada oo ka qabsoomi doonta dhammaanba gobollada dalka.

Munaasibadda daah-furka diiwaangelinta samaynta buugga gaadiidka dawladda, waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgalay wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim ( Cismaan Afgaab )Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Mudane Muniir Axmed Cigaal, Agaasimaha Guud Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Eng Ahmed Muxumed Cabdi Agaasimeexada Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada iyo Agaasimaha Waaxda Liisamadda, shaqaaalaha Diwaangelinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this