Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha oo aas aasey Guddida Nabadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1737484735320.jpg

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 21/01/2025 uu wareegto Madaxweyne ku aas aasey Guddida Nabadda Jamhuuriyada Somaliland

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan :-

๐—๐ž๐ž๐ซ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐‹๐ซ ๐ŸŽ๐Ÿ/๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“.
๐€๐š๐š๐ฌ-๐š๐š๐ฌ๐ข๐๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ: Qodobada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ : Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hayโ€™adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo la tashanaaya cidda ay khusayso uu dhisi karo hayโ€™ado Madax-banaan oo loo xilsaaro hawlo gaar ah;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐ง๐œ๐š๐ฒ: In ay Nabaddu tahay furaha horumarka iyo jiritaanka nolosha, laโ€™aanteedna aan la gaadhi karin degannansho siyaasadeed, xasillooni dhaqaale iyo horumar bulsho;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ : In Qaranku u baahan-yahay Hayโ€™ad Dawladeed oo Madax-bannaan oo si gaar ah ugu xilsaaran hawlaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta;

๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ด๐—ผโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐—พ๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป:

๐—ค๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ:
๐—”๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ:

Waxa halkan lagu Aasaasay Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland oo noqonaya Guddi Qaranka ugu xilsaaran hawlaha Nabadda.

Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Jiritaan Qaanuuni ah iyo shaambad u gaar ah.
Guddiga Nabaddu waxa uu waajibaadkooda iyo howlahooda shaqo u gudanayaan si waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee Dalka.

Xarunta guud ee Guddiga Nabaddu waxa ay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu laamo ka furan karaa Gobollada dalka haddii loo baahdo.

๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐š๐:
๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐š๐๐š ๐€๐š๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐ข๐๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š

Ujeedada Aasaasidda Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waa in la abuuro jawi nabadayn oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta.

๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ‘๐š๐š๐
๐—๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐š๐ฃ๐ข๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š;

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah;
Horumarinta nabadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland;

Fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland;

Hormmood ka noqoshada dedaalada xukuumadda ee nabadynta, Xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta;

Qabashada iyo fududeynta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen;

Hirgalinta fagaarayaal iyo kulanno lagaga hadlayo dhibaatooyinka colaadaha keena iyo soo-jeedinta kalsooni dhiska iyo isla-xisaabtanka;

Kor u qaadista kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada, iyo ka hortagga khataraha nabadda;

Kala-talinta Xukuumadda dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha la xidhiidha dhismaha nabadda, ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta danaha bulshada;

Ka talo-bixinta xaaladaha iyo khilaafyada keeni kara isku-dhacyada beelaha iyo degaanada dalka, si looga hortago in khilaafaadkaasi isku beddelaan rabshado keeni kara xasillooni darro baahsan;
Soo-saariddas goโ€™aamo nabadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhiirigelinayo sidii dhinacyada colaaduhu saameeyeen looga dhexdhalin lahaa is-afgarad iyo nabad-gelyo waarta;

Goโ€™aaminta tallaabooyinka lagaga hortagayo, ama lagu xallinayo khilaafaadyada, iyo sida oo kale tallaabooyinka lagu dhisayo laguna ilaalinayo in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu helo nabad iyo xasillooni waarta;

Xoojinta iyo taageeridda dedaalada lagu dhisayo isfahanka bulshada iyo wada noolaanshaha si loo dhiirigeliyo wada noolaanshaha loona dhiso wacyiga bulshada ee iskaashiga iyo adkaynta nabadda;

Katalo-bixinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dawladda ee la xidhiidha nabadaynta iyo ka-hortagga colaadaha;

Kala-shaqaynta hayโ€™adaha amniga dalka sidii loo fulin lahaa goโ€™aamada guddiga nabadda ee la xidhiidha nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka;
La shaqaynta cid kasta oo ku hawlan ka shaqaynta nabadda;

Iyo Qabashada shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha nabadda ee uu Madaxweynuhu u xilsaaro;

๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ’๐š๐š๐:
๐—๐ฎ๐›๐ง๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š

Xubnaha Guddiga Nabaddu waxa ay ka koobnaanayaan 7 toddoba xubnood, oo kala ah, Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen iyo 5 Xubnood oo kale;

Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee Guddiga Nabada waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Guddigu waxa ay yeelan kartaa Xoghaye iyo la-taliyayaal u qaabilsan howlaha ay u baahdaan ka gacan-siintooda;
Xogayaha Guddiga iyo lataliyayaasha kale waxaa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Guddoomiyaha Guddiga kaddib marka uu la tashado xubnaha kale ee Guddiga;

๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ“๐š๐š๐:
๐—๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐š๐ฃ๐ข๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Guddiga waxa ka mid ah;
Inuu Maamulo hawl-maalmeedka guddiga;

Inuu isku dubarido isla markaana socodsiiyo hawlaha nabadda ee Guddigu u xil saaran yahay;

Inuu metelo kuna hadlo magaca Guddiga;

Inuu guddoomiyo shirarka Guddiga;

Inuu diyaariyo isla markaana usoo bandhigo xubnaha Guddiga qorshayaasha iyo barnaamijyada nabadda;

Inuu abuuro jawi wadashaqayneed oo udhexeeya Guddiga iyo Hayโ€™adaha kale ee Nabadda ku hawlan;

Inuu saxeexo qoraalada rasmiga ah ee Guddiga;

Inuu magacaabo xoghayaha iyo lataliyaytaasha guddiga markuu kala tashado xubnaha kale ee guddiga;

Inuu diyaariyo warbixinaha guddiga, una gudbiyo hayโ€™adaha ay khusayso iyo Madaxweynaha;

Inuu qabto shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha hawlaha nabadda ee Guddigu u xilsaaran tahay;

๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ”๐š๐š๐:
๐—๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐š๐ฃ๐ข๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š

Xilka iyo waajibadka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxa ka mid ah:

Gudashada xilka Guddoomiyaha marka uu Guddoomiyuhu maqan yahay ama ay banaanaato jagada Guddoomiyaha Guddigu.
Waxa uu ka caawinayaa Guddoomiyaha gudashada hawlaha shaqo ee Guddigu u xilsaaran yahay.
Gudashada waajibaadka kale ee Guddoomiyuhu u igmado.

๐—ค๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ:
๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

Si ay u gutaan waajibaadkooga shaqo Guddiga Nabaddu waxa ay yeelanayaan shirar joogto ah;

Shirarka Guddiga waxaa isugu yeeri kara Guddoomiyaha ama marka ay codsadaan ugu yaraan saddex xubnood oo Guddiga ah, waxa ayna ku kulmi karaan meel kasta oo ka mid ah JSL,
Shirarka guddida waxaa Guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga, hadii uu maqan yahayna Guddoomiye Ku-xieegka,
Shirarka Guddigu waxa ay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood laba (2/3);

Guddiga Nabaddu waxa ay shirkooda ku marti qaadi karaan qofkii ay u arkaan in fikirkiisa ama xogtiisu ay muhiim u yahay shirka, laakiin qofkaasi ma yeelan doono wax cod ah.

๐—ค๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ:
๐—š๐—ผโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

Goโ€™aamada Guddiga Nabaddu ay soo saarayaan waxa ay u goโ€™aaminayaan si wada jir ah.

Haddii ay dhacdo in xubnaha Guddigu isku aragti ka noqon waayaan arrimaha qaar, waxa ay isku dayayaan inay ku dhammeeyaan is afgarad (consensus), haddiise taasi dhici waydo waxa ay u qaadayaan cod.

Goโ€™aamada Guddidu waxa ay ku ansaxayaan aqlabiyadda xubnaha shirka fadhiya (hal dheeri);
Xoghayaha guddiga ayaa u xilsaaran qaadidda hadal-qoraalka shirarka Guddida (minutes);

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก

________________________________________
๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this