Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: United, Sharif, Ato, Geedi Yusuf seak to the people

Recommended Posts

Gaalkacyo: Isu soo bixii ugu ballaarnaa oo ay ka qaybgalaan madaxwaynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo raysulwasaaraha ayaa maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Posted to the Web Feb 12, 12:36

 

cgy.jpg

Gaalkacyo:-(PP) Isu soo bax aysan u kala harin dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa saaka lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee C/laahi Ciise oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

 

Isu soo baxan ballaaran ayaa waxaa goob joog u ahaa , hadallana ka jeediyay madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan , raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cismaan Xasan Cali Caato, wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamed Guuleed (Gacmodheere)madaxwayne kuxigeenka Puntland ,Xasan Daahir Afqurac , iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cismaan Dalmar Yuusuf iyo siyaasiyiin ka tirsan DFKGS , waxaa kaloo goob joog ahaa maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo koonfurta gobolka Mudug.

 

Jawiga goobta uu hadalku ka dhacayay.

 

Dadwayne boqolaal gaaraya oo isugu jira arday, haween iyo dhallinyaro ayaa saaka waabarigii lagu diyaar gareeyay garoonka C/laahi Ciise si ay ugu soo dhaweeyaan halkaasi wufuudda dawladda ka tirsan .

 

Ereyo soo jiidasho leh oo a kamid ahaayeen " Jaalayaalow , soo dhawaada" ayaa lagu dhawaaqayay ka hor intay wafdigu soo gaareen goobta iyo markii ay yimaadeen intaba.

 

Wufuudda ugu saraysa dawladda ayaa si saf mar ah u salaantay dadkii garoonka ku sugnaa oo aad ula dhacsanaa inay wafdiga dawladda ugu saraysa ugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo.

 

Khudbadaha.

 

Iimaan Xasan Jiiroow oo madax u ah koonfurta gobolka Mudug ayaa halkaasi ugu horayn hadal kasoo jeediyay, wuxuu salaan diiran usoo jeediyay masuuliyiintii kulanka ka qaybgashay.

 

Wuxuu wax lagu mahadnaqo ku tilmaamay in maanta madaxdii ugu saraysay ee dawladda ay marti u yihiin koonfurta gobolka Mudug , shacabkiisa, wasiiradiisa iyo xildhibaannadiisa.

 

Md: Jiiroow wuxu sheegay in koonfurta gobolka Mudug marka loo eego dalka intiisa kale uu yahay gobol la illaaway isla marakaana dib udhac wayn uu ku yimid ayadoo aysan ka hawlgalin hay'adaha gar gaarka , dadkuna ay dhibaatooyin badan tabanayaan.

 

Madaxda dawladda wuxuu ka codsaday in loo soo jeesto koonfurta gobolka Mudug iyo wax ka qabashadiisa iyo sidii ay bulshada kale ee Mudug wax ula qaybsan lahayd.

 

Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cismaan Xasan Cali Caato ayaa sidoo kale halkaasi hadal kasoo jeediyay , wuxuuna ugu horayn u mahad celiyay madaxda dawladda asagoo si kaftan ah u tilmaamay in magacyadooda uu isku khalday taasna ay ugu wacan tahay waqti badan oo ay kala moogaayeen.

 

Cismaan Caato wuxuu sheegay in maanta dadka daggan koonfurta gobolka Mudug ee marti qaadkan samayeeyay ay ammaan u tahay in markii ugu horaysay magaaladoodii ku marti galayaan madaxdii ugu saraysay ee dawladda Soomaaliya.

 

Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa asaguna halkaasi ka hadlay , inkastoo hadalka raysulwasaaraha uu gaabnaa haddana wuxuu mahad ballaaran usoo jeediyay madaxda gobolka Mudug oo soo dhawayntan heerka sare ah u sameeyay .

 

Cali Maxamed Geeddi wuxuu sheegay inaysan dawladdu mar naba illaawi doonin gobolka Mudug isla markaana ajandayaasha dawaladda ay meel ballaaran uga jirto gobolka Mudug.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayay dadwaynuhu sacab iyo mashxarad u soo dhaweeyeen markii uu hadalka qabsaday asagoo tilmaamay in isu soo baxan uu muujinayo sida dadka Gaalkacyo oo aan u kala harin ay qoraxdan isugu soo bexeen si ay mar kaliya u soo dhaweeyaan madaxdooda.

 

Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu ku ammaanay dadka gobolka inay yihiin dad soo dhawayn fiican leh, wuxuu kaloo sheegay in baahiyihii uu soo bandhigay guddoomiyaha koonfurta gobolka Mudug ay tahay mid jirta , dawladduna aysan waxba hagran doonin.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya Md:C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isu soo baxii maanta hadalkii ugu danbeeyay ka jeediyay , wuxuuna madaxwaynuhu aad uga hadlay colaadaha ka taagan gobolka Mudug,

 

Wuxuu sheegay madaxwayne Yuusuf in Gaalkacyo waxyaabihii uu yimid ay kamid ahayd in hal maamul loo sameeyo gobolka Mudug oo ay joogsato kala qaybsanaanta jirta.

 

Si kaftan ayaa madaxwaynuhu u yiri" War mar haddii ay joogaan Cismaan Caato , Xaaf iyo Gacma dheere" diyaar ma u tihiin in la midoobo oo lawada shaqeeyo" dadwaynuhuna waxay ku jawaabeen Haa.

 

Dhinaca kale wuxuu madaxwaynuhu aad ugu dheeraaday dagaallada ka dhex socda beelaha Sacad iyo Saleebaan, asagoo tilmaamay in labada beelood aysan marna kala guuri doonin sidii ay doonaan ha isku laayaane.

 

Wuxuu si aad ah uga codsaday madaxda labada beelood inay heshiiyaan oo colaaddooda soo afjaraan , haweenka iyo wax garadka beelaha koonfurta gobolka Mudugna wuxuu ka codsaday inay dirirtaasi soo afjaraan oo ay u ololeeyaan.

 

Waa isu soo bixii koowaad uguna ballaarnaa ee ay si wada jir ah u joogaan madaxda ugu saraysa dawladda ee ka dhaca Soomaaliya.

 

Xigasho:-Allpuntland

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifka, Geeddi & Yuusuf oo khubad ka jeediyey K/Galkacyo

 

Gaalkacyo - 12.February.2006 Gaalkacyo gaar ahaan xaafadda Baraxley, saddexda mas’uul ee ugu sar sarreeya dawladda

federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah, madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka.

 

Saddexdan mas’uul, wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta iyo guddoomiyaha maamulka koonfurta Gaalkacyo ayaa dadweynaha kala hadlay arrimaha nabadda gaar ahaan dhammaynta colaadaha soo noqnoqda ee dhex mara beelaha wada dega deegaannada koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud.

 

Guddoomiyaha Koonfurta Gaalkacyo, Imaam Xasan Jiinow, ayaa ugu horrayntii kulankaasi ka jeediyey khudbad diirradda saareysey arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta koonfurta gobolka Mudug.

 

Mr. Jiinow, waxaa uu codsaday in wax laga qabto xaaladda abaareed ee koonfurta gobolkaas, waxana uu dawladda federaalka Soomaaliyeed ka codsaday in ay hay’adaha gargaarka cadaadis ku saarto in ay deegaannadaas ka hawl galaan.

 

Waxaa uu uga hambalyeey isla markaasna uga mahad naqay dawladdu, dadaalka ay ugu jirto haatan ka horna ay ka muujiysay nabad ku soo dabaalidda koonfurta gobolka Mudug.

 

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta, Cismaan Xasan Cali Caato, oo isla kulankan ka hadlay ayaa sheegay in nabaddu ay mudnaanta kowaad leedahay ayna tahay in wax walba laga hor mariyo, waxana uu intaasi ku daray in xukuummaddiisa ay ka go’an tahay in la horumariyo koonfurta gobolka Mudug.

 

Intaa kadib ayaa waxaa hadalkii qaatay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxana uu mahad celin u jeediyey wasiirrada iyo xildhibaannada ka soo jeeda koonfurta gobolka Mudug oo dadaal u galay sidii uu kulankani u qabsoomi lahaa.

 

Madaxweynuhu waxaa uu labada beelood ee ku dagaallamay gobolka Mudug ka codsaday amaba ugu baaqay in ay sameeyaan xabbad joojin rasmi ah, waxana uu tilmaamay baahida loo qabo in hay’aduhu ay ka hawl galaan dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug.

 

Waxaa uu sheegay Cabdullaahi Yuusuf Axmed in hay’aduhu u baahan yihiin in ay arkaan ‘nabad’ ka hor inta aanay halkaas ka hawl gelin.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in dawladda federaalka Soomaaliyeed ay ka qodi doonto ceelal biyood dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug.

 

Kulankan ayaa ku soo geba-geboobey jawi aad u wanaagsan iyo sidii loogu tala galay.

 

Mukhtaar Cabdullaahi

SBC Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this