Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilkii la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga
Somaliland Cabddale Maxamed Carab ayaa si rasmi ah Xilalkii ugu kala wareejiyey Agaasimyaashii Hore Ee Wasaaraad Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Agaasimayaasha Guud Ee Madaxweynaha Qaranka usoo magacaabay Labada Wasaarood Ee Kala Ah Wasaaradda Arimaha Guddaha iyo Amniga iyo Wasaaradda Dowladdaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka.

Waxaana ka soo qabygalay Xafladdaasi Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, kana mid ahaayeen Wasiiru-Dawladdaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dawladaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) Xildhibaano. qaybaha kala duwan ee Bulshadda.

Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Jsl Cabddale Maxamed Carab ayaa ugu dambeyntii xafladdaasi si rasmi ah xilalkii ugu kala wareerjiyey 4ta agaasime Guud isaga oo Agaasimeyaashii Horena ku amaanay intii Ay Qaranka u soo shaqeeyeen Agaasimyaasha cusubna Alle ug baryey in xilalkaasi Alle u Fududeeyo.

img_1_1737286754459.jpg

img_3_1737286786616.jpg

img_4_1737286808814.jpg

img_5_1737286824445-1.jpg

img_6_1737286844893.jpg

img_7_1737286864994.jpg

img_8_1737286878959.jpg

img_9_1737286893433.jpg

img_10_1737286913608.jpg

img_15_1737286990042.jpg

img_11_1737286933523.jpg

img_13_1737286966785.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this