Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka, Khudbad Muhiim Ahna U Jeediyey Ciidamada Dalka.
β€œπ•Žπ•’π•©π•’π•’π•Ÿ π•—π•¦π•π•šπ•Ÿ π••π• π• π•Ÿπ•’ 𝕠𝕠 π•’π•’π•Ÿ π•¨π•’π•£π•–π•–π•˜π•₯𝕠 π•œπ•¦ 𝕀𝕠𝕠 π•€π•’π•’π•£π•š π••π• π• π•Ÿπ•’ π•“π•’π•π•’π•Ÿπ•’π•’π•’π••π•œπ•šπ•š π•’π•’π•Ÿ π•€π•’π•žπ•–π•–π•ͺ𝕖π•ͺ π•¨π•’π•œπ•™π•₯π•šπ•˜π•šπ•š 𝕆𝕝𝕠𝕝𝕒𝕙𝕒 𝕖𝕖 𝕒𝕙𝕒𝕒 π•žπ•¦π•€π•™π•’π•™π•’π•£ π•œπ• π•£π••π•™π•šπ•Ÿπ•₯𝕒 π•”π•šπ•šπ••π•’π•žπ•’π••π•’ …”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamadda Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.
img_1_1737207154205.jpg
Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka Qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka Qaranka ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, β€œWaxa aan maanta go’aansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa Qaranka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
img_8_1737207310125.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada Qaranka inuu ka *****nayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,β€œInkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.”
img_12_1737207381122.jpg
Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.

img_12_1737207381122.jpg

img_8_1737207310125.jpg

img_6_1737207267328.jpg

img_5_1737207242947.jpg

img_4_1737207221508.jpg

img_3_1737207206772.jpg

img_2_1737207171975.jpg

img_1_1737207154205.jpg

img_9_1737207326795.jpg

img_10_1737207346262.jpgimg_9_1737207326795.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this