Deeq A. Posted January 18 Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-040/012025 uu ku Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024; Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024; Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan helay: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/30/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, laguna ansixiyay Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024; Waxa aan Soo-saaray; Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Hay`adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024. ALLAA MAHAD LEH _______________________________________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. ********************************************************************8 Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-039/012025 uu ku Dhaqan-gal geliyey Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024, Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan helay: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/29/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, Xeerka Garyaqaanka Guud ee Somaliland, Xeer Lr. 89/2024; Waxa aan Soo-saaray; Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024. Allaa Mahad Leh _______________________________________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites