Sign in to follow this  
Xoogsade

The two Sharifs, What will the result be....

Recommended Posts

Jabhad   

Wararka

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Shariif-ka oo Muqdisho dagaya

6 Nov 6, 2006, 11:07

 

 

 

 

Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka KMG ah ee Somaliya iyo xildhibaanada kale ee ku sugan Muqdisho in ay olole ugu jiraan sidii golaha baarlamaanka xaruntiisa ay u noqon laheyd caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah Shariif Xasan uu taageero u radinayo sidii loo taageeri lahaa qorshaha uu wado ee ah in Barlamanka fadhigiisu uu noqdo magalada Muqdisho, iyadoo xildhibanada Muqdisho ku sugan oo tiradooda ay gaareyso 60-meeyo ay ku qanacsan yihiin qorshahaasi iyada oo la sheegayo xubno kale oo ku sugan Baydhabo ay iyaguna qorsheynayaan iney yimaadaan magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale Xildhibaanada ku sugan Muqdisho ayaa doonaya in ay helaan inta badan xubnaha baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo iyadoo qorshahooda uu ku saleysan yahay sida ay ku waramayaan xubno ku dhow dhow xildhibaanada sidii xilka ay ugu qaadi lahaayeen Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya taasoo abaabulkeeda uu ka socdo magaalada Muqdisho.

 

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa dowladda KMG ah ku abuurtay kala qeybsanaan hor leh iyadoo dowladda ay u kala jabtay labo garab sida laga dareemayo hadalada ay warbaahinta isku dhaafsanayaan xubnaha dowladda.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa mar uu shalay saxaafada Muqdisho la hadlayey waxaa uu sheegay in uusan amar ka qaadan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

"Aniga Amar kama qaato Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, go'aanka aan Muqdisho kusoo gaarayna aniga ayaa iska leh" ayuu yiri Shariif Xasan oo dhinaca kale sheegay in uusan garaneyn sababta magaalada Muqdisho ay u diidayaan xubnaha dib u heshiisiinta u aaday Khartoum.

 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in xilka looga qaado Shariif Xasan iyada oo warar qaarkood ay sheegayaan in Sheekh Aadan Madoobe loo magaacaabi doono Gudoomiyaha Barlamanka DFKMG ah

 

Waxaa la dareemayaa in uu jiro khilaf hor leh oo dowladda soo kala dhexgalay iyadoo fadhigii ugu horeeyay ee Baarlamaanka uu maanta ka furmay magalada Muqdisho kaasoo ay si weyn ugu soo horjedaan xildhibanada kale ee ku sugan Baydhabo.

 

Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this