Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada ee Israel oo ansixiyey heshiiskii xabbad joojinta Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Israel ayaa ansixisay heshiiska xabbad-joojinta cusub ee Gaza iyo sii-daynta maxaabiista ee lala galay Hamas, taas oo u gogol-xaadhaysa in uu dhaqan galo Axadda.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadaxaajoodyo socday saacado badan oo gaadhay illaa maalintii danbe fiidkii dambe. Labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta fog ayaa ka soo horjeestay heshiiskan.

Galaha dagaalka ama aminga ayaa horey u soo jeediyay ansixinta heshiiskan, iyaga oo sheegay in uu “taageerayo xaqiijinta ujeedooyinka dagaalka,” sida uu baaiyey xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Tani waxay timid saacado kadib markii xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Hamas labaduba sheegeen in ay dhammeystireen faahfaahinta heshiiska, laba maalmood kadib markii ay ku dhawaaqeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, Mareykanka iyo Masar.

Heshiiskan, 33 qof oo Israeli ah oo weli ku haystaan Hamas gudaha Gaza kadib 15 bilood oo colaad ah ayaa lagu beddelan doonaa boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israel inta lagu jiro wejiga koowaad oo socon doona lix toddobaad.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale ka bixi doona meelaha dadku ku badan yihiin ee Gaza, dadka Falastiiniyiinta ah ee barakacayna waxaa loo oggolaan doonaa inay ku soo noqdaan guryahooda, iyadoo boqolaal gaadiid gargaar ah maalin walba loo oggolaan doono inay galaan degaanka.

Wadaxaajoodyada wejiga labaad – oo laga filayo in lagu sii daayo maxaabiista hadhay, ciidammada Israel oo si buuxda uga baxa aaggaas, iyo “soo celinta degganaansho waarta” – ayaa bilaaban doona maalinta 16aad.

Wejiga saddexaad oo ugu dambeeya wuxuu ka koobnaan doonaa dib-u-dhiska Gaza – oo qaadan karta sanado – iyo soo celinta meydadka la haystayaasha weli maqan.
Qatar ayaa sheegtay in la haystayaasha la sii dayn doono inta lagu jiro wejiga koowaad ay ka mid yihiin “haween rayid ah, askar dumar ah, carruur, dad waayeel ah, iyo rayid xanuunsan ama dhaawac ah.”

Israel ayaa sheegtay in saddex maxbuus la sii deyn doono maalinta ugu horreysa ee xabbad joojinta, iyadoo si koox koox ah oo kale si joogto ah loo sii deyn doono lixda toddobaad ee soo socota.

Ciidanka Israel ayaa bilaabay olole ay ku burburinayaan Hamas – oo Israel, Mareykanka iyo dalal kale u aqoonsan yihiin urur argagixiso – taas oo jawaab u ahayd weerar aan horay loo arag oo ka dhacay xadka 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof laguna afduubtay 251 qof.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza ee ay maamusho Hamas, in ka badan 46,870 qof ayaa ku dhintay Gaza tan iyo waqtigaas. Inta badan 2.3 milyan oo qof oo deggan halkaas ayaa sidoo kale barakacay, waxaa jira burbur ballaadhan, iyo xaalad cunto la’aaneed, shidaal, daawo iyo hoy.

Halka dhanka kale gargaarkii dadka baahan la gaadhsiin lahaa uu aad u adag yahay duruufta dagaal awgeed.

Israel ayaa sheegtay in 94 la hayste oo kale ay weli haystaan Hamas, kuwaas oo 34 ka mid ah loo arko inay dhinteen. Waxaa intaa dheer, waxaa jira afar qof oo Israeli ah oo horay loo afduubtay intii ka horreysay dagaalka, labo ka mid ahna ay dhinteen oo maydkoodii hayaan.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump, waxuu u raray safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv magaalada Qudus waxuuna aqoonsaday haysashada Israa’iil ee Buuraha Golan Heights.

Heshiiskan ayaa ahaa wixii madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu si aad ah ugu hamiyey kadib Dhibaatooyinkii 15-kii bilood ee ugu dambeysay socday iyo arrinta ka qabsatay kala qaybsanaanta siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo gudahaba.

Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo May sanadkii hore. Xamaas iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhaca heshiiskaas.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this