Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BURCO:GACAN KU DHIIGLAYAAL LAGU RIDAY XUKUN DIL AH.

Recommended Posts

Burco (QARAN) Xaakimo ka socday Maxkamada Sare ee Somaliland oo Magaalada Burco u yimi dhegaysiga Dacwada Derajada Sadexaad ee kiisaska dilalka ah.ayaa xukumaya Gacan ku dhiiglayaal oo hore u gaystay Dilal.

 

 

Xaakimo ka socday Maxkamada Sare ee Somaliland oo Magaalada Burco u yimi dhegaysiga Dacwada Derajada Sadexaad ee kiisaska dilalka ah.ayaa xukumaya Gacan ku dhiiglayaal oo hore u gaystay Dilal.

 

Ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka togdheer Jaamac Ducaale Siciid oo Weriye Keyse Axmed Digaale, wax ka weydiisay Tirada dacwadaha dilalka ee ay Maxkamada Sare xukuntay ayaa waxa uu yidhi “Maxkamada Sare waxay u timi inay dhegaysato Dacwadaha dilalka ee ay u hadsanaeyd Darajada Sadexaad oo ah Maxkamada Sare,Sidaas Dareteed waxay xukumo dila ku qaaday Gacankudhiiglayaasha kala ah,

 

Gacan ku dhiigle Axmed Caydiid Nuur oo dilay sadexda Marxuun ee kala ah Khadar Axmed Xuseen ,Yaasiin Saqadhi Cali,iyo Xasan Xuseen Xaamud oo 19.9.06kaasoo ku dilay Magaalada Burco,Gacan ku dhiigle Baashe Maxamed oo dilay Mustafe Siciid Maxamuud oo 8.10.07,gacan ku dhiigle, Gacan ku dhiigle Baashe Maxamed Guutale oo dilay Marxuun Cabdi Xasan Xirsi 7.1.o7,oo Burco ku dilay,Gacan ku dhiigle C/llaahi C/qaadir Axmed oo dilay Marxuun Axmed Cali Axmed 8.5.06,kuna dilay Ceerigaabo,Jaamac Axmed Yuusuf oo dilay Marxuun X.Saalax Yuusuf Faarax 29.11.05.oo ku dilay Ceerigaabo.

 

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu intaas ku daray in loo cuskaday Qodobada 434XQG,iyo Aayadaha Quraanka ee kala ah 178,179 ee Suuratal Albaqra,iyo Aayada 45 ee Suuratal Maaida.

 

Todobaadkii hore ayaa Maxkamada Gobolku Qisaas dil ah ku fuliyay laba Gacan ku dhiigle ka dib markii ay soo dhamays tirantay Jaranjaradii sadexda Maxkamadood ee dalaka,Mudayntii Maxkamada Sare iyo Goaamintii Madaxweynaha.

 

 

 

Soure Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this