Sign in to follow this  
Deeq A.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗵𝘂𝗿𝘂𝘂𝗰𝗱𝗮 𝗴𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dowlad wanaag laga shaqeyn karin oo musuqmaasuq la ciribtiri karin, haddii aan la helin hannaan garsoor oo lagu wada kalsoon yahay.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayay xiritaanka Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa xusay in Xukuumaddu ay xoogga saartay sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay casriyeynta garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadanaya hufnaanta caddaaladda.

“Waxaa marqaati ka tihiin in isbeddel muuqda lagu sameeyey hannaanka garsoorka dalka, taas oo soo celisay kalsoonidii ay dadka Soomaaliyeed ku qabeen nidaamka caddaaladda dalkeenna, tani oo ku timid dadaalkiinna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay ilaalinayso madax-bannaanida garsoorka, isla markaana ay la garab taaggan tahay wax walba oo ay u baahan yihiin, isaga oo kula dardaarmay in la tayeeyo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka, meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaaddi karin dastuurka iyo shareecada Islaamka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this