Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa dhici doona marka TikTok la mamnuuco?

Recommended Posts

Deeq A.   

a299ff90-d35f-11ef-87df-d575b9a434a4.jpg

TikTok waxaa laga mamnuuci doonaa Mareykanka 19 ka Janaayo – hadii aan maxkamada sare aysan aqbalin dalabkii ugu dambeeyay ee sharci ee milkiilaha shirkadaan, ByteDance, ee ahaa in go’aankani yahay mid sharci darro ah.

Laakiin xitaa haddii hay’adda ugu sarreysa garsoorka ee waddanka iyo maxkamadaha hoose – iyo Congress-ku ay ku heshiiyaan – in madashaan ay khatar ku tahay amniga qaranka, miyay dhab ahaantii ka joojinaysaa dadka Mareykanka ah inay isticmaalaan app kaan?

Ma jiri doontaa siyaabo looga gudbi karo xayiraadda – mise madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa heli kara waddo uu ku joojiyo sharcigaan uu sheegay inuu ka soo horjeedo, xitaa haddii maxkamaduhu ay taageeraan.

Wax kasta oo ku dhaca TikTok, yaa u taagan inuu ka faa’iidaysto hubanti la’aanta mustaqbal ee soo wajihi doona?

Dadku wali ma isticmaali karaan TikTok xitaa hadii la mamnuuco?

Sida ay u badan tahay Maraykanku marka uu mamnuuco TikTok waxa uu la dalban doonaa appab ka Google Play Store iyo Apple App Store in ay ka dhigaan TikTok mid aan laga heli Karin goobahooda marka la joogo gobolkaas.

Sharci-dajiyayaasha Mareykanka ayaa horey ugu sheegay shirkadaha teknolojiyadda inay u diyaar garoobaan inay app-ka ka saaraan bakhaaradooda marka mamnuuciddu ay dhaqan gasho.

Taasi waxay la macno tahay in dadku aysan TikTok u isticmaali karin dariiq sharci ah – in kasta oo ay sidoo kale la macno tahay in dadka horay u soo degsaday ay wali ku haysan karaan taleefannadooda.

Maadaama uusan app ku ahaan doonin mid si guud loo heli karo mar dambe, waxyaabha cusub ee lagu soo kordhiyo ma heli doonaan isticmaalayaasha gudaha Mareykanka ee horay ugu haystay taleefanadooda – taasoo ka dhigi doonta abka mid aan hormarsanaynh, ugu dambeyntii, aan la isticmaali karin.

Waxaana xusid mudan in waxyaalaha cusub ee lagu soo kordhiyo bartaan ay daboolaan dulduleelada amni, markaa haddii TikTok joojiso in dadka Maraykanka jooga helaan waxyaabahaas cusub, waxaa ay halis u galayaan isticmaalayaashu in la jabsado aaladahooda.

Dabcan, waxaa jira habab ku xeeran mamnuucida nuucaan ah ee la samaynayo.

Waxaa markiiba la arkayaa muuqaalo badan oo dhex wareegaya TikTok oo u sheegaya isticmaaleyaasha sida loo isticmaalo VPN (shabakadda qaaska ah ee aan tooska ahayn) – kaas ooo kuu sahlaya inaad app ka ka hesho meesha laga mamnuuca.

Trump

Trump ma soo faragalin karaa?

Trump ayaa si cad u sheegay in aanu doonayn in sharcigan uu dhaqan galo, isaga oo ka codsaday maxkamadda sare in ay dib u dhigto dhaqangelintiisa inta uu qabanayo xafiiska.

Laakin, hadii sharcigaan dhaqan galo, Trump awood uma laha inuu sharciga baabi’iyo, taasoo dhaqan gali doonta maalin ka hor inta uusan xafiiska la wareegin.

Laakiin wuxuu si fudud ugu sheegi karaa Waaxda Caddaaladda inaysan dhaqan gelin.

Dawladdu waxay si wax ku ool ah u sheegi doontaa Apple iyo Google in aan loo ciqaabi doonin sii wadida in ay goobahooda ku sii hayaan TikTok, taasoo la micno ah in sharcigu sii jiri doono laakiin sida uu yahay aan loo dhaqan galin doonin.

Sida iska cad, shirkadaha uma sahlanaan doonto in ay sharciyada jabiyaan xitaa hadii loo sheego in aan loo haysan wax dambi ah – maadaama haatan ay tahay in ay qaataan hadalka madaxweynaha ee ah inaysan la kulmi doonin ciqaab.

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this