Deeq A. Posted January 16 Buuloburde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Xalaalay oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ku dagaalamay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay wabiga iyo ciidamada Macawiisleyda ee howlgallada ka wada deegaanka. Ilo dadka deegaanka ah ayaa ahaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid la’isku riiqmay, isla-markaana saacado badan qaatay, kaas oo dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Saraakiil u hadashay Macawiisleyda waxa ay sheegeen in jab culus ay gaaarsiiyeen Al-Shaaab, ayna ka dileen illaa afar xubnood, sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale oo badan. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in dhankooda dagaalka ay uga dhinteen laba askari, welina ay sii wadaan howlgalka xoreynta ee ka socda gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada deegaanka. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay gobolka, gaar ahaan inta u dhexeysa Buuloburte iyo Halgan oo ay kusoo badanayeen Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites