Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihi hore ee Kuuriyada Koofureed oo la xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah lasoo xidhay madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol.

Xadhiga Yoon ayaa yimid saacado kaddib marki ay boqollaal ka mid ah baarayaasha waaxdan iyo saraakiil boolis ay galeen hoyga Yoon Suk Yeol. Wuxuu ahaa iskudaygi labaad ee ay ciidamada boolisku ku galaan guriga madaxweynihi hore.

Kolonyo gaadiidka booliska oo kasii baxaya guriga madaxweynihi hore ayaa laga arkay muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Yoon ayaa muddo toddobaadyo ah diidaanaa in uu isu dhiibo ciidamada hey’adda la dagaalanka musuqa ee Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo ku soo oogay dacwado la xiriira musuq maasuq iyo isku day afganbi, hase yeeshee qareennadiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa is hor taagay xariga madaxweynihi hore.

Yoon Suk Yeol ayaa 3-di bishaan December dul dhigay waddanka Kuuriyada Koofureed amar deg deg ah, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa meesha ka saari lahaa xakunka madaniga ah, awoodda baarlamaanka iyo booliska, taladana ku koobi lahaa kaliya madaxweynaha.

Hase yeeshee shacabka iyo baarlamaanka ayaa taasi diiday, waxana ay keentay in saacado kaddib uu ka laabto go’aankaasi.

Baarlamaanka ayaa ugu danbeyntii xilka ka xayuubiyay madaxweynihi hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this