Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ku jiri kara heshiiska xabbad-joojinta ah ee Israa’iil iyo Xamaas?

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil iyo Xamaas ayaa loo malaynayaa inay qarka u saaran yihiin inay ku heshiiyaan xabbad -joojin lagu soo afjaro dagaalka Qasa iyo in la sii daayo dadkii ay ka Xamaas gafaalatay Israa’iil iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah ee ay Israa’iil xirtay.

Warbaahinta CBS bah-wadaag la ah BBC-da ayaa mas’uuliyiinta Carabta, Mareykanka iyo Israa’iil u sheegeen in heshiis la gaaray mabda’ ahaan, haddii ay wax walba hagaagaanna ay toddobaadkan dhammeystiri doonaan heshiis buuxa oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Waxay noqon doontaa horumarkii ugu yaabka badnaa 15-kii bilood ee uu dagaalka socday, kaasoo billowday markii kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerareen Israa’iil Oktoobar 2023.

Maxaa ku jiri kara heshiiska xabbad-joojinta ah ee Israa’iil iyo Xamaas?
Waxaa la rajeynayaa in heshiiska xabbad joojinta uu ka dhigan yahay heshiis lagu joojinayo dagaalka ka socda Qasa.

Sidoo kale waxaa la filayaa in la is dhaafsado maxaabiista ay labada dhinac kala hayaan.

Xamaas waxa ay gacanta ku dhigtay 251 markii ay weerartay Israa’iil bishii Oktoobar 2023. Waxa ay weli gacanta ku haysaa 94 maxbuus ah, inkasta oo Israa’iil ay aaminsan tahay in 60 keliya ay weli nool yihiin.

Israa’iil ayaa la filayaa in ay sii deyso ilaa 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah, oo qaarkood ay sanado u xirnaayeen, si ay ugu beddeshaan la haystayaasha.

Sidee ayay u shaqeyn kartaa xabbad-joojinta?
Xabbad-joojintan ayaa la filayaa inay u dhacdo saddex marxaladood, marka la shaaciyo heshiiska.

Faah-faahin ayaa weli ka soo baxayasa. Inta heshiis laga gaarayo, waa wax isbedeli kara.

Marxaladda koowaad

Afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil oo la yirahdo David Mencer ayaa sheegay in 33 la haystayaal ah – oo la filayo inay noqdaan haween, carruur, waayeel iyo dad buka ama dhaawacmay – lagu beddeli doono maxaabiis Falastiiniyiin ah. Mr Mencer ayaa sheegay in inta badan 33-da qof ee la qafaashay loo malaynayo inay weli nool yihiin.

Saddex qof oo la haystayaal ah ayaa isla markiiba la sii dayn doonaa, sarkaal Falastiini ah ayaa u sheegay BBC, iyadoo inta soo hartay ee la haysto la sii dayn doono ay dhacayso lix toddobaad.

Inta lagu jiro marxaladan, ciidamada Israa’iil waxay sidoo kale bilaabi doonaan inay ka baxaan meelaha ay dadku ku badan yihiin ee Gaza.

Mas’uulka Falastiiniga ah ayaa sheegay in wadahadallada faahfaahsan ee marxaladaha labaad iyo saddexaad ay billaaban doonaan maalinta 16-aad ee xabbad joojinta.

Marxaladda labaad

Marxaladda labaad, la haystayaasha soo haray – askarta iyo kaydka – waa la sii dayn doonaa, taas beddelkeedana sii dayn kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa dhaceysa.

1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa loo malaynayaa inay Israa’iil ogolaatay in la sii daayo, ilaa 190 ka mid ah waxay ku xukuman yihiin 15 sano iyo ka badan. Sarkaal Israa’iili ah ayaa BBC-da u sheegay in kuwa dilka lagu xukumay aan laga sii deyn doonin Daanta Galbeed ee la haysto.

Inta lagu jiro marxaladan, Israa’iil waxay sidoo kale u oggolaan doontaa dadka barokacay ee hadda ku sugan koonfurta Gaza inay ku noqdaan waqooyiga.

Ku dhawaad ​​dhammaan 2.3 milyan ee shacabka Gaza ayaa ku qasbanaaday inay ka baxaan guryahooda dagaalka dartiis.

Marxaladda saddexaad

Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa dib u dhiska Gaza – taas oo sanado qaadan karta

Mas’uulka Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku sii jiri doonaan aag ammaan ah oo ku yaalla Gaza inta lagu guda jiro xabbad joojin kasta.

Maxay yihiin su’aalaha aan laga jawaabin ee ku saabsan heshiiska?¹

Soo gaaritaanka heerkan waxa ay qaadatay bilo wada xaajood dadban oo adag, ugu yaraan sababtoo ah Israa’iil iyo Xamaas ayaa gebi ahaanba isku kalsoonayn.

Xamaas ayaa doonaysay in gebi ahaanba dagaalka la joojiyo ka hor inta aysan sii deyn la haystayaasha, arrintaas oo Israa’iil aysan aqbali karin.

Xabad-joojintu waxay dhaqangal noqonaysaa in dagaalka la hakiyo inta la fulinayo shuruudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in ay ka dhigan tahay in dagaalku si wanaagsan u dhammaaday.

Mid ka mid ah ujeedooyinka dagaalka muhiimka ah ee Israel ayaa ahaa in la burburiyo awooda militariga iyo maamulka Xamaas. Inkasta oo Israa’iil ay si ba’an u dhaawacday, haddana Xamaas waxay weli haysataa xoogaa awood ah oo ay ku hawlgeliso dagaalamayaasheeda oo ay dib isugu soo ururiso.

Sidoo kale ma cadda dadka la qafaashay ee nool iyo kuwa dhintay ama in Xamaas ay garanayso halka ay ku sugan yihiin dhammaan dadka aan weli la aqoonsan.

Dhankeeda, Xamaas ayaa dalbatay in la sii daayo maxaabiista qaarkood oo Israa’iil ay sheegtay in aysan sii deyn doonin. Waxaana la rumeysan yahay inay ku jiraan kuwii ku lug lahaa weeraradii 7-dii October.

Sidoo kale lama oga in Israa’iil ay aqbali doonto in ay ka baxdo aagga difaaca waqti go’an, iyo in joogitaankeeda halkaas uu noqon doono mid furan.

Xabad joojin kasta waxay u badan tahay inay noqoto mid jilicsan.

Xabbad joojintii u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas oo hakisay dagaaladii hore ayaa waxaa ruxay iska horimaadyo, ugu dambayntiina waa la burburiyay.

Jadwalka iyo kakanaanta xabbad joojintan waxay la macno tahay xitaa dhacdo yar waxay isu beddeli kartaa khatar weyn.

Maxaa dhacay 7 Oktoobar 2023 maxaase ka dhacay Gaza?
Boqolaal dabley ah oo ay Xamaas hoggaaminaysay ayaa weerar aan hore loo arag ku qaaday koonfurta Israa’iil, iyaga oo gudaha u galay xayndaabka xuduudka, waxaanay beegsadeen bulshooyin, saldhigyo boolis iyo saldhigyo ciidan.

Ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayaa la dilay in ka badan 250 la haystayaalna dib ayaa loogu celiyay Qaza. Xamaas ayaa sidoo kale kumanaan gantaal ku riday Israa’iil.

Israa’iil waxay kaga jawaabtay olole millatari oo baaxad leh, oo ay ugu horreyay weerar cirka ah iyo duqeyn ka dibna waxaa dhacay duullaandhulka ah. Wixii markaas ka dambeeyay Israa’iil waxa ay weerartay bartimaameedyo ku yaalla Gaza oo dhan dhul, bad iyo cirba ah, halka Xamaas ay Israa’iil ku weerartay gantaallo.

Duulaanka Israa’iil ayaa burburiyay Qaza, wuxuuna horseeday cunno yari ba’an, iyadoo gargaarku uu la daalaa dhacayo sidii loo gaarsiin lahaa dadka aadka ugu baahan. In ka badan 46,600 oo qof – oo u badan dad rayid ah – ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Gaza.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this