Sign in to follow this  
Deeq A.

Saameynta Trump ku yeeshay heshiiska ay Soomaaliya bad ugu ogolaatay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

11-kii December 2024, dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska “Baaqa Ankara” la gashay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Rai’isal Wasaare Abiy Axmed kadib wadahadallo uu martigeliyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiskaas qodobadiisa, labada hoggaamiye waxay isku raaceen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, midnimada, gobonimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Labada dhinac ayaa sidoo kale oggolaaday inay dhameystiraan “heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba dan u ah iyadoo la marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo, kireysiyo, iyo habab la mid ah, kuwaas oo u oggolaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara oo ay ku tagto kuna soo noqoto badda, iyadoo hoos imaanaysa awoodda madaxa-banaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Go’aanka Soomaaliya ay Itoobiya ugu ogolaato isticmaalka dekedda ayaa u muuqda mid ka dhashay doorashadii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu mar labaad kusoo baxay. Waxa sidoo kale, ay ka walaacsanayd in maamulka cusub ee soo socda uu aqoonsan karo madaxbanaanida Somaliland, oo ah maamul goboleed iskiis isku magacaabay oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.

Somaliland ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Itoobiya 1-dii Janaayo 2024 kaas oo ballanqaaday in dekedo ganacsi iyo mid milateri ay ku siin doonto Itoobiya oo ku yaalla xeebaheeda iyadoo beddelkeeda Itoobiya ay ballanqaaday inay aqoonsan doonto gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanideeda.

Soomaaliya ayaa u muuqata inay isku dayeyso inay ka hortagto go’aan kasta oo maamulka cusub ee Mareykanka uu ku aqoonsanayo madaxbanaanida Somaliland.

Soo jeedinta aqoonsiga Somaliland ayaa taageero weyn ka haysata taageerayaal iyo la-taliyayaal badan oo ku dhow Trump.

Qeyb ka mid ah mashruuca Project 2025, oo cinwaankeedu yahay “Mandate for Leadership: The Conservative Promise,” oo ay diyaariyeen dhowr urur oo muxaafid ah oo ay hoggaaminayso Hay’adda Heritage Foundation si ay u noqoto jaantuska maamulka Trump, lana faafiyey April 2023, ayaa ku baaqeysa in Mareykanku “uu aqoonsado qaranimada Somaliland si looga hortago hoos u dhaca doorkaMareykanka ee Jabuuti.”

Dhowr qof oo ku lug lahaa qorista iyo horumarinta warbixinta ayaa horey loogu magacaabay jagooyin maamulka soo socda, oo ay ku jiraan Stephen Miller (Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad) iyo John Ratcliffe (Agaasimaha CIA).

Aqoonsiga Somaliland waxaa sidoo kale riixayey la-taliyayaal sare oo arrimaha dibadda ah oo ka soo shaqeeyay maamulkii hore ee Trump. J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee gobolka Sahel iyo gobolka Harooyinka Waaweyn, ayaa sheegay in Somaliland ay “muujisay soo jiidashadeeda iyadoo ah waddan la shaqeyn kara Mareykanka iyo dalal kale.”

Tibor Nagy, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, ayaa sheegay in maamulka labaad uu yeelan doono “u damqasho badan oo ah Somaliland,” sababtoo ah “Somaliland way isku taagtay, aad bayna u taageersan tahay reer Galbeedka, aad bayna u taageertaa suuqa xorta ah, waxayna daryeeshaa ammaanka dhulkeeda, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah.”

Sida laga soo xigtay Nagy, fikradda ah in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya waa “khuraafaad” iyo “macno darro sababo kala duwan dartood.”

Wuxuu intaas ku daray in “laga yaabo, haddii maamul cusub uu ku guuleysto doorashooyinkeena madaxtinimada ee soo socda, riyada Somaliland ee ah inay noqoto xubin si buuxda loo aqoonsan yahay oo ka tirsan beesha caalamka ay rumoobi doonto.”

Michael Rubin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa 3-dii Janaayo 2024 daabacay maqaal cinwaankiisu yahay, “Mareykanku Waa inuu Taageeraa Madaxbanaanida Somaliland,” isagoo si cad ugu baaqaya aqoonsi.

Laakiin hadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa u muuqda inuu gaaray hadafkiisii isagoo aan u baahnayn inuu aqoonsado Somaliland ama halis geliyo iska horimaad uu la galo Soomaaliya, taasoo taageero militari ka heshay Masar iyo Eritraa. Labadan dal ayaa iyaguna khilaaf kala dhexeeya dowladda Itoobiya, waxayna ballanqaadeen inay taageeri doonaan Soomaaliya haddii khilaafka uu isu beddelo dagaal.

Hoggaamiyaha Itoobiya uma badna inuu soo dhoweyn doono faragelin aan habbooneyn oo ka timaadda dadka Mareykanka ee aragtiyaha qaar rumaysan, taasoo carqaladeyn karta qorshihiisa, xasilooni darrana ka dhalin karta gobolka.

Waxaa la gudboon in madaxda Mareykanka ay iska indhatiraan ololaha taageerayaasha Somaliland ayna ka fogaadaan Geeska Afrika.

W/Q: Daniel Volman

Daniel Volman waa agaasimaha Mashruuca Cilmi-baarista Amniga Afrika ee ku yaalla Washington, DC (www.africansecurity.org). Waxa uu khabiir ku yahay siyaasadda millatariga Mareykanka ee Afrika iyo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this