Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhex-qarxay Al-Shabaab iyo Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldhuun-Adeegow oo qiyaastii 42-km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baydhaba.

Sida uu shaaciyay Telefishinka Koonfur Galbeed dagaalka ayaa salka ku hayay muran dhaqaalaha ay Al shabaab ka qaadaan dadka shacabka ah ee loo yaqaano Zakawaat.

Xubnaha dagaalamay ayaa waxaa soo kala dhex-galay isfaham-waa xoogan, kaas oo keenay inay wada dagaalamaan maleeshiyaadka kooxda dhexdeeda.

Inta la xaqiijiyay illaa afartameeyo ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, waxaana ku jiro rag amiiro ah oo magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-Adeegow ee gobolka Baay.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Ceeldhuun-Adeegow.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this