Juje Posted March 17, 2009 Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe sheegayna inay Caadalada horkeenayaan Maxaabiista ku xiran U qaabilsanaha DKMG ah Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud (Janaqoow) ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay Xabsigii Dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Farabadan oo danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyay. Janaqow ayaa markii uu Booqday Xabsiga waxa looga warbixyay Xabsiga iyo xukuno kala duwan oo lagu fuliyay Maxaabiista, waxaana uu ka dhageystay warbixintaasi Saraakiisha ka mid ah Saraakiisha Xabsiga. Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka waramayay sida uu haatan u howl galo xabsiga ayaa waxa uu yiri”xabsiga inta uu shaqaynayey maxkamadaha waxay fuliyeen xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa iyo sodon iyo kow qofood waxaa sidookale cadaalada lahorgeeyay laba iyo toban qofood waxaa xabsiga laga siidaayey oo cafis loofidiyay labakun ooqofood tirada guud waxaynoqonaysaa labakun boqol todobaatan iyo sideed waxaana cadaalada.lahor gaynin illaa iyo konton iyo sagaal qofood “. Intaa kadib ayaa hadalka waxaa qaatay Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Janaqoow waxa uuna sheegay “wax badan waa laqabtay wax kalena waa harsan yihiin waa waxa na loo yeeray inaan ka shaqayno Garsoorka iyo Cadaalada waxaan ka shaqayn doonnaa sidii Dadka Cadaalada aan la horgaynin loo fududeynlahaa cidii danbi gashay danbigeeda loogu qaadi lahaa kuwa kalena xorriyada loogu soo celin lahaa”. Waa markii ugu horeysay oo uu Janaqow oo u qaabilsan DKMG ah Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Booqasho ku tago Xabsiga Dhexe oo ay ku xiranyihiin Maxaabiis kala duwan oo qaarkood lagu soo eedeeyay Danbiyo kala duwan sugayana in la hor geeyo Cadaalada. Janaqow & Taliyaha Ciidanka Asluubta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted March 17, 2009 Great stuff. Nation-building is moving ahead with sonic speed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted March 18, 2009 It seems that the new TFG has appointed good people to key positions which will make it's success much easier. Like appointing a minister of justice someone who knows about justice based on Quran and Sunnah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted March 18, 2009 Durbadiiba way duuli rabtaa ma is tiri? Heh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 18, 2009 Ceesaantii duushey, aawey Ngonge and the Pig Flying image!! Quote Share this post Link to post Share on other sites