Deeq A. Posted 23 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka culus ee ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo haatan ku socdo si dardarleh. Ugu horreyn dowladda dhexe ayaa boggaadisay guulaha ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalkaas, kadib markii jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale boggaadisay doorka shacabka Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka daraawiishta ee howlgallada ka wada buuraha Bari. “Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyesyay askarta ku dhimatay dagaalkaasi, iyada oo sidoo kale kuwa dagaalamaya u rajeysay inay guul ka gaaraan argagixisada. “Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi u diraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dalka. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ay ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed”. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Share this post Link to post Share on other sites