Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si kal iyo laab ah u bogaadisay hawlgalka geesinimada leh ee ay Ciidanka Daraawiishta Puntland ka wadaan Gobolka Bari, kaas oo ka dhanka ah kooxda Daacish.

DFS waxay si gaar ah u amaantay kaalinta shacabka Puntland oo muujiyay garab istaag xooggan oo ay u hayaan ciidamada geesiyaasha ah ee ku hawlan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay duco iyo tacsi u dirtay shuhadadii ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, iyadoo u muujisay ehelada shuhadadaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay la qaybsanayso murugada iyo sharafta ku saabsan dagaalkooda difaaca Diinta, Dadka, iyo Dalka.

“Shabaab iyo Daacish waa cadow wadajirka ah oo dadka Soomaaliyeed u siman yihiin, waana in loo midoobo ciribtirkooda si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkaysanaysay go’aankeeda ah in ay dhiirrigeliso maamulada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo ku garab istaagaysa kaalinta muhiimka ah ee ka xoraynta dalka kooxaha argagixisada ah.

DFS waxay sidoo kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan wadajirkooda iyo taageerada ay u hayaan ciidamada ku hawlan tirtiridda dembiileyaasha , kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay bulshada Soomaaliyeed muddo dheer.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this