Deeq A. Posted January 13 Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya maanta lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kiyonga oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada Kenya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh. Ugu yaraan illaa 5 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay. Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites