Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab lagu haystay xeebaha Puntland oo maanta la sii daayay kaddib markii lacag madax-furasho ah laga qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250113_144712057.jpg?resize=720

Markab kalluumeysi oo 27-kii November 2024 lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa ugu danbayntii la sii daayay maanta kaddib markii lacag madax-furasho ah la siiyay kooxo hubaysan oo haystay markabkaasi.

Markabkani oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa u kiraysan shirkad kalluumeysi oo Taiwan laga lee yahay, taasi oo kalluunka u iib-geysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato Reer Puntland ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxihii markabka haystay oo dalbanayay lacag dhan $10 milyan markii danbe lagu qanciyay in ay qaataan $2 milyan, sidaasina lagu sii daayay markabka, kaddib markii $2 milyan oo madax-furasho ah la siiyay kooxihii af-fuubka u haystay.

27-kii November 2024 ayaa markabkani kalluumeysi laga soo qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, kaddib markii ay af-duubteen ilaaladii saarnayd, waxaana gadaal kaga biiray dable hubaysan oo ka baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Markab lagu haystay xeebaha Puntland oo maanta la sii daayay kaddib markii lacag madax-furasho ah laga qaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this