Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo lagu qiyaamay salaana ka qaatay Ciidamada Badda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5473.jpeg?fit=1062%2C1133&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in ciidamada Badda Itoobiya uu maanta salaan ka qaatay Xasan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ka joog laga waayey labo jeer oo Itoobiya uu tegay, balse safarkaan iyo mid ka horeeyaba ay horseedeen guul-darro weyn.

“Madaxweyne Xasan iyadoo ka joog la leeyahay ayuu Addis Ababa ka degey February 17, 2024, waa lagu soo bahdilay, shalayna ciidanka Badda Itoobiya ayaa loo diyaariyey in uu salaan ka qaato, waa bahdilaad kale,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Abiy isaga loo hoyday, dowladahii kalana wuxuu tusay in aan Madaxweynaha Soomaaliya la isku halleyn karin, lana saadaali karin.

Tan ugu daran wuxuu sheegay inay dhacday markii uu booqday ciidamada Badda Itoobiya, kuwaas oo loo tababaray badda Soomaaliya, maadaama Itoobiya aysan bad laheyn.

“Madaxweyne Xasan wuxuu ku tala galay in uu bowdooyinka qaranka Soomaaliyeed midba maalin qaawiyo, waajib ayaa naga saaran in aannan ku eegan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirka ay qoslayaan labada masuul oo aad ugu faafay baraha bulshada ayaa imaanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan ay ka dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.

Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.

“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this