Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa aan doonayaa in aan saxo garyaqaan Guuleed Dafac By. Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda oo u jawaabay Garyaqaan Guuleed Dafac.

“MADAXWEYNAHA CUSUBI XILKA KA QAADIS UGAMA BAAHNA MASUULIYIINTII XUKUMADII HORE MAG-CAWDAY

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland shalay wuxuu magcaabay Guddoomiyayaasha Gobollada iyo kuxigeenadooda; waana awood uu Dastuurku uu siiyey inuu masuuliyiin cusub magcaabo.

Waxa aan ku arkayey maalmahanba baraha bulshada Garyaqaan Guleed Dafac, oo ka hadlaya magcaabisaha uu Madaxweynuhu sameeyay, isagoo naqdiyaya Digreetooyinka Madaxweynaha oo leh Dastuurka ma waafaqsana. Waxa aan doonaaya inaan is dul-taago
oo saxo Garyaqaan Guuleed, ogaysiiyanna in
sideedaba sharciyan iyo caqliyanba Madaxweynuhu waxa uu xil-ka-aqaadis ku-sameeyaa masuuliyiinta uu isagu magcaabo, laakiin kuma sameeyo xilka-qaadis masuuliyiin xukumad hore magcawday!

Madaxda uu ka hadlayo Garyaqaanku, waxa magcaabay Madaxweynihii hore ee xilka wareejiyay, sidaa darteed uma baahna in lagu sameeyo xilka-qaadis, balse waxay u baahanyihiin magcaabis ama cusboonaysiin wayna sii joogi-karaan inta uu Madaxweynuhu doono. Guddoomiyaasha Gobolladu
waxa ay laxeer yihiin:
● Wasiirada;
●Gudoomiyayaasha Hayaadaha Madaxabnaan;
●Safiirada;
●Taliyayaasha Ciidamada;
Kuwaas, oo aan u baahnayn xilka-qaadis.

Gebo-Gebo: Wax is dulaasaran majiraan sida Guuleed sheegay, magcaabista uu sameeyay Madaxweynaha cusub ayaa si toosa xilka uga qaadaysa masuulkii hore…”

ALLAA MAHAD LEH
___________________________________
Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this