Sign in to follow this  
SOO MAAL

Xuskii 26ka Juun oo laga xusay Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

SOO MAAL   

Xuskii 26ka Juun oo laga xusay Magaalada Laascaanood

 

Laascaanood 26 juun 2005 waxaa maanta ilaa iyo xalay laga xusayey magaalada laascaanood sanad guuradii 45aad ee 26ka juun wxaa xalay ilaa iyo hadda xuskaasi wada hawlwadeenada radio laascaanood waxaa iyaguna abaara 9:00kii subaxnimo laga xusay iskuulka hoose dhexe geteway ee magaalada laascaanood .

 

 

 

Waxay ardayda iyo macalimiinta iskuulka geteway ay qaadayeen heeso isugu jira wadani iyo nashaa’id oo ay ku luuqaynayeen kuwaas oo la odhan karo waa ardaydii ugu horreysey ee xustay maalinta 26juun ee sanad guuradii 45aad.

 

 

 

Akhrishtayaasha iyo dhagaystayaashayadaba waxaan uballan qaadaynaa inay si live ulasocdaan wixii hadba soo kordho iyo halakay marayso xuskii 26ka juun.

 

By C/laahi Qalinle Xuseen

 

Laascaanood Puntland soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Sanad guuradii 45aad ee maalinta 26ka juun oo laga xusayey magaalada laascaanood oo soo gaba sgabowday.

 

Laascaanood 26 juun 2005 Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa ilaa iyo xalay laga xusayey maalinta 26ka juun ee sanad guuradii 45aad.

 

 

 

Waxaa ilaa xalay ku hawlanaa xuska 26ka juun hawlwadeenada radio laascaanood oo hawada si toos ah ugu jiray dadkana dareensiinayey inay maalintani maalin qiimo iyo qadarin mudan tahay.

 

 

 

Waxaa abaara 9:00subaxnimo xusay 26ka juun ardayda iskuulka geteway iyo macalimiintooda oo sitay calankii soomaaliya kuna dhawaaqayey heeso wadani ah iyagoo dhex lugaynaya badhtamaha magaalada laascaanood.

 

 

 

Waxaa sidoo kale dadweyne aad utiro badani isugu soo baxeen hoolka dawlada hoose ee magaalada laascaanood dadkaas oo isugu jiray madaxda gobolka sool aqoonyahanno waxgarad ururada bulshada dhalinyarada isboortiga haween iyo aradayba Waxaana halkaasi hadallo qiiro galiyey daweynahaasi kasoo jeediyey gudooime ku xigeenka degmada laascaanood ahna kusimaha gudoomiyaha degmada maxamuud warsame cabdi (gurraase).

 

 

 

“Xornimadan aan ku naaloonayno waxa inoo soo xereeyey rag mujaahidiin ah oo dalkooda dakooda iyo calankoodaba difaacayey waana muqaddis inaan maalintan oo kale xusnaa innagoo xussi doonna 1luulyo oo ah maalintii soomaaliya israacday†hadalkaasi waxa yidhi duq kuxigeenka magaalada laascaanood maxamuud warsame gurraase.

 

 

 

Abwaan jaamac kediye cilmi ayaa gabay uu ugu talo galay 26ka juun ka mariyey fagaaraha dawladda hoose gabaygaas oo aad u qiimo iyo qaayo badnaa dadweynuhu aad moodday inay ooyayeen sheegaynay inay xornimada aynuhaysano inay uruka syl usoo halgameen.

 

 

 

Waxaa iyana galabta ciyaar heer sare ahi dhexmartay laba kooxood oo heerka labaad katirsan kuwaas oo ciyaartooda ugu talo galay xuska 26ka juun.

 

 

 

Munaasabada 26ka June oo ah markii ugu horeysay oo calanka Soomaaliya laga lulo Waqooyiga Soomaaliya oo markaa xoriyada ka qaatay Gumeystihii Ingiriiska ayaa sanadkan markale kusoo aaday wakhti ay dawladii dhexe ee soomaaliya bur burtay nidaamka waqooyiga ka jiraana oo isku hawlayo sidii uu usuulin

 

Lahaa munaasabadaha taariikhiga ahiyo halgankii dheeraa ee loosoo maray xorriyada.

 

 

 

Xuska ayaa kusoo aaday xilli ay maamulka soomaali diidka ee hargaysa ka taliya daandaansi ka wado deegaano ka tirsan gobolka sool.

 

 

 

Iyadoo daka deegaankani saadalinayaan sugayaana dawlada federaalka soomaaliyeed ee dhowaan la filayo inay ka shaqo gasho gobollad dalka oo dhan.

 

 

 

Munaasabada xuska 26ka juun ayaa dadweynaha magaalada laascaanood soo gaba gabeeyeen 6:30 markhibnim.

 

By C/laahi Qalinle Xuseen

 

Laascaanood Puntland soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Sannad Guuradii Xuska Maalinta 26 Ka Juun 1960 Oo Lagu Qabtay Magaalada Birmingham Ee Boqortooyada Ingiriiska (UK).

Warkii: Jun 26, 2005

 

 

 

Calankaanu sugaynaye

 

Sahankiisa ahaynoow

 

Seermaweydo hilaacdayoow

 

Sagal manta darroorayoo

 

Sigadii naga mayrayoow

 

Saq dhaxaanu ahayne

 

Kii soo saaray cadceeddo

 

Samada kii u ekaaye

 

Xiddigaa mid la siiyayoo

 

Saaxirkii kala guurye

 

Sareeyoow ma nusqaamoo

 

Aan siduu yahay eegnee

 

Kaana siib kana saar

 

Cabdulahi suldaan timada cade

 

 

Somafreemedia waxay manta goobjoog ka ahaayeen shir loogu googol xaarayey qaban qaabada munaasabadaha maalmaha xusida mudan ee ku aadan 26 jun iyo 1 luuliyo oo ah maalmo qiimo gaar ah u leh dhamaan ummada somaliyeed. Sidaa darted waxaa u suurta gashay in ay ururiso fikradaha ay ka qabaan ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Boqortooyada Ingiriiska (UK) magaalada Birmingham halgankii dheeraa ee loo galay xoriyada ummada somaliyeed iyo maamuuska ay leeyihiin maalmaha 26 jun iyo 1 luuliyo taas oo sidii mudnayd loogu dabaal degin dhacdooyinka taariikhiga ah.

 

 

 

Abdinasir Farah Cigaal oo ah Gudoomiyaha Somfreemedia ayaa hadaladiise waxa kamid ah walaale sida runta ma aha waxa layska indha tiri karo munaasabadaha soo jireen ka ah. Taas oo dad badan ay naftoodii u waayeen iyaga oo raadinayey sidii ay ubadkooda ugu heli lahaayeen xoriyad ay ku noolaadaan. Markaa waxaa haboon in la dareen siiyo jiilalka nool iyo kuwa soo korayaba macnaha ay lee yihiin munaasabadaha maalmahada taariikhga ah.

 

 

 

Waxaa kaloo isna aan wax ka weydiinay fikirkiisa ku aadan munaasibada 26 Juun Gudoomiyaha Golaha Badbaadada Sanaag Siciid Cabdulahi Uurcad waxaana hadaladisii ka mid ahaa. Xuska maalmaha gobanimadoonka Soomalida waa astaanta jiritaanka somalida ah, marka xusitaanka munaasibada 26 juun waxay ku fadhidaa 2 arimood oo aad muhiim ugu ah qof kasta oo Soomaali ah.

 

1 26 Juun waxay soo af jartay halgankii gobanima doonka ahaa oo lagula jiray gumaysigii waqtigaa ka talinayey wadankeenna.

 

2 26 Juun waa taariikhda inta ummada somaliyeed jirtay ay calan xor ah hoos fariisteen iyaga oo ka xaroobay gumaysigii. Halka 1 luuliyo tahay isku tagii labada gobol iyo ka xaroowgii gumaysiga.

 

Dhacdooyinkaa waa dhacdooyin weyn oo muhiim ah mudana in ubadkeena lagu bar baariyo sidii loogu soo halgamay gobanima doonka. Markaa waxay aniga ila tahay in qofkastoo Somali ah uu xasuusto ama uu u dabaal dego munaasabadahaa tariikhiga ah.

 

 

 

Waxaa isna aan wax ka weydiinay Gudoomiya Jaalliyadda Birmingham(SCU) Cabdiladiif Ahmed Yacquub waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. Aniga oo ku hadlaya magaca ummada somaliyeed dhamaantood meel kasta oo ay joogaan waxaan marka hore tacsi u diraynaa dhaamaan ehaladii ay ka geeriyoodeen halyeyadii naftooda iyo maalmkooda u huray mustaqbalka ummada Somaliyeed. Waxaa iyana xusid gaar ah mudan maalintii xoriyada iyo isku taga somaliyeed oo ku aadan 1 luuliyo oo runtii ah maalin taariikh ah kuna weyn qofksta oo jirkiisu u danqanayo jiritaanka ummada somaliyeed. Waxaa iyana haboon in la baro ubadkeena qiimaha ay lee dahay wadanimadu. Daljacayl, dadjacayl lagana ilaaliyo wixii dhib u keenaya jiritaanka ummada somaliyeed.

 

 

SOM FREEMEDIA

 

UK BIRMINGHAM

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

45 Sanno Oo Ka Soo Wareegtay Markii Calanka Soomaaliya La Qotomiyey

Warkii: Jun 26, 2005

Laascaanood(Radiolascaanod.com):-Shan iyo afartan sanno ayaa ka soo wareegtay markii gobollada waqooyi ay qateen xornnimadooda ,lana qotobimyey Calanka Soomaaliya , xoriyadaas oo ay guud ahaan Soomalidu dhiig badan u daadisay ayaa hadana gobolada waqooyi waxay ay aad ugu xag jireen gobolladiii kale ee Soomaaliya.

 

Halgan qaatay muddo dheer oo ay dhiigbadan u daadiyeen mujaahidiintii Daraawiishta ayaa waxa uu sababay in uu gumaysigii caddaanka ahaa jiif iyo joogba diido.

 

Gumaysigaas oo ay dad badan oo daba dhilif u ahaa oo Soomaali ahi ay jireen kuwaas oo markii danbe qaarkood fahmeen dhibaatada gumaysiga uu lee yahay , isla markaana ogaaday mujaahidiintii daraawiishtu in ay daafhureen , hogaanka u hayeen halgankii kumanaanka mujaahid ku nafwaayeen,kuna shahiideen.

 

Waxaa hadaba maanta laga xusay magaalada Laascaanood oo iyadu ah goob ay ku dhaqan yihiin faracdii Mujaahidiintii Daraawiishta , iyada oo aanay maalintani maalmaha kale ugu jirin oo ay si diiran u xuseen.

 

iyada oo ay nasiib daro tahay in maanta goobtii calankii quruxda badnaa ee dhiiga badan loo soo daadiyey laga taagay ay ku sugan yihiin dad Soomaalidiid ahi, isla markaana laguba gubay, dibna ugu hanqal taagay heerayadii gumaysiga, maanta ku hadaaqa weedho aan marnaba u cuntami karin qof muwaadin ah oo danaynay karaamadiisa.

 

Waxaa mudan sharaf iyo karaamo mujaahidkasta ciduudoono ha ahaadee oo u soo halgamay sharafta iyo xoriyada Soomaaliya, laga soo bilaabo, mujaahidkii weynaa Sayid Maxmed Cabdulle Xasan, Ismaaciil Mire, Shiikh Bashiir, Faarax Oomaar iyo dhalinyaradii SYL ,SNL,USP iyo qofkasta oo ka dhiidhiyey heeryadii gumaysiga.

 

Maanta iyada oo si wanaagsan looga xusay munaasabada 26 jun magaalada Laascaanood , warbaahinta gobolkuna aad uga hadashay ayaa haddaanunahay bahda website-ka Radiossc/Radiolascaanod.com hanbalyo u diraynaa dhamaan ummadda Soomalaiyeed meelkastooy joogtaba.

 

Calanka Soomaaliya waxaa hal abuurkiisa lahaa Maxmed Cawaale , waxaana markii ugu horaysal lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho 24/10/1954kii , xilligaas oo gobolada koonfureed ay ku jireen xukunkii daakhiliga ahaa ee qaramada mudoobey gacanta ku hayeen.

 

Gobolada waqooyina waxaa calanka looga qotomiyey 26/06/1960 , waxay noqdeen goobtii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ee xornnimada qaata shantii qaybood ee Soomalida loo qaybiyey(Waqooyiga , Koonfur, NFD, ******, iyo Jabuuti).

 

Halkan ka dhagayso Geeraar munaasibadan ku saabsan oo uu noo tirinayo Abwaan Jaamac Kadiye.

 

Halkan Ka Dhagayso Heestii uu Geesigii Allaha U naxariiste Maxamuud Axmed Dabagooye u Qaaday Calankeena Buluuga ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

26 JUUN MAALINTII QARANNIMADA SOOMAALIYA

 

Khudbadii Raysal Wasaare Cali Maxmed Geedi Xuska Maalinta 26 Jun.

Warkii: Jun 26, 2005

Jawhar(Radiolascaanod.com):-Raysal wasaare Cali Maxmed Geedi ayaa maanta khudbadka jeediyey magaalada Jawhar ee Gobolka Sh/dhexe taas oo ku wajahan maalinta 26jun oo ay gobolada wagooyi Somalia xornnimada qaateen.

 

Halkan ka dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this