Akash Posted September 21, 2010 Sept.21 - (alnuur)-Shacbiga reer Awdal maaha ciidanka qaranka mana aha C.I.Dda loo carbiyey sida wax loo soo basaaso balse waxay ka mid yihiin muwaadiniinta wadanka eeyku dhacaan dhacdooyinkii ayka midka ahaayeen qaraxii Hargeysa laguna burburiyey madaxtooyada, Safaaradii Ethiopia iyo xafiiskii UNDP ama Tani ka socota Laas-Caanood ee lagu dilaayo masuuliyiinta dawlada. Waxayse muujiyeen shacbiga reer Awdal karti iyo awood dheeraad ah ayna la iman dhamaan shacbiga S/land taasi oo ah mid uu gabay GENERAL. NUUX TAANI ayna ogaysiiyeen dawlada qayladhaana u direen iyadoo ay Hargeysa ku ciidayaan madaxda Sland kuna faraxsanaayeen xilka usoo wareegay eey quusta ka taagnaayeen mudooyin badana kusoo hiiqeen sidii ay u hanan lahaayeen kursigaasi dhibay xanuunkana iyo kurbada ku hayay ayaa illawsiisay amaankii wadanka dhan waana ceebweyn oo usoo hoyatay dawladan Axmed Siillaanyo. Shacbiga reer Awdalse ammaan dheeraad ah ayuu leeyahay abaalgudna way istaahilaan mase gayo aflagaado sokeeye lana yidhaa AWDALBAA LOOSOO ADEEGSADAY WEERARKA KA DHAN AH ETHIOPIA waxaase ka daran madaxweynaha oo ka aamusay markii ay soo sheegeen reer AWDAL in ay ciidamo xooglihi u dhaafeen dhinacaa Ethiopia, Aamusnaanta lafteedu waa hadalbaa la yidhi waayo Madaweynaha kuma haboonayn aamusnaantaasi waxayna u keenaysaa shaki weyn oo gala dawlada Ethiopia een jaarka nahay hadiise uu markii ay dhacday lana ogaaday 14kii bishan qabtona shir jaraaid soona fadhiisto Tvgiyo warbaahinta kala duwan dawlada Ethiopia way ku qancilahayd dhacdadan ugub ka ah ee loo adeegsaday weerarka hubaysan wadanka S/landna dhexdiisana la maray. Laakiin waqtigaa kasoo wareegay waa midkeenaaya tuhun hoose ayna dawlada jaarkeenu qalad ka fahanto weerakii ku dhacay bishan 14keedii.Waxaad moodaa salaadiinta gobolka Awdal in ay raaligalin ka bixiyeen weerakii hubaysnaa ayna ku hadleen afkii xakuumadu ku hadli lahayd waanay ku mahadsanyihiin shirkii jaraaid ee ay qabteen 19/9/2010,waxayna yidhaahdeen waxaan halkan ku cambaareynaynaa dhacdadii xumayd ee lagula kacay Ethiopia ayna ku kaceen falaagadii hubaysnayd ee isticmaashay dhulkayaga kansoo degtay xeebta Bullo-Cado una gudubtay dalka aan jaarkanahay ee Ethiopia. Sidoo kale waxay cambaaareeyeen budhcadii hubaysnayd ee waliba BBCda ka dafirtay weerarkan hubaysan waliba ku darsoo dawlada ERETREA ayey baaq u direen ay leeyihiin naga jooji waxaad wado SULDAAN SALLEEBAAN CALI ayaana ku hadlay afxabashi kuna nuuxnuuxsaday in Ethiopia tahay wadankiisa labaad una ogolayn dhibaato uga timaada dhinaca wadankooda horeyso iyo dambaysoba waanu ku mahadsanyahay Suldaanka beesha Reer Nuur Suldaan Saleebaan Cali. Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye. Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato. Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jarae. Bal hadaba akhristayaashoow Axmed Siillaanyo ma waxuu garanwaayey intaa ay garteen Sallaadiinta reer Awdal kuna hadlay intii laga sugaayey Madaxweyne Axmed Siillaanyo afkiisana ayka boobeen markii ay juuqina kasoo bixiweyday sugayeena lana raagsaday mudo ku dhaw dhawr caano maal wayse ku mahadsanyihiin sallaadiintaas waxgaradka ahi abaalgudna hasiiyo Madaweynaha S/land iyo dawlada Somaliland shacabka reer Awdal ee qabtay shaqadii TALIYAHA CIIDANKA QARANKA IYO TII MADAXWEYNAHABA waana muwaadiniin dhab ay ka tahay gooni isku taaga Jamhuuriyadan Somaliland waxaase moodaa mudooyinkan dambe kuwo tashanaaya sida ay u wada tashadeen dhamaan qabaailka Somaliyeed nin kastaana gaadhay dantii qabiilkiisa markii lagu heshiinwaayey qarankii weynaa ha ahaadaan qabaailka dega Somaliland ama Somaliyaba waxayna leeyihiin "Waar ma dameer jin raray baanunahay duudku na cadaaye". Qayladhaanta ayka muujiyeen saamiqaybsigii dawlada Axmed Siillaanyona wali dhag uma dhigin waanay dhayalsatay iskusoo wada duuboo dhacdooyinkan isbarkan maha kuwii uu dhayalsanlahaa madaxweynuhu waana in uu shakibixiyaa dawlada aan jaarka nahay ee ka sugaysa xaalmarinta lagasoo weeraray dhulkan Sland waana arin u taala isaga shacabka reer Awdalyaan la xagxaganin ee Waxaa la gudboon madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo in uu ka hadlo cambaareeyona waxii dhacay inta aanan xaalku si kale isku badalin mise waxbuu ka ogyahay oo NUUX TAANIBAY ku heshiiyeen in dhabarka loo saaro reer AWDAL? Mise Jaamac Maxamed Qaalib (JAAMAC AYRE? ayay wada hadleen madaxweynaha oo waa arin laysla ogyahay?. Si kastaba ha ahaatee waxaa lagudboon madaxweynuhu in uu raaligalin ka bixiyo dhacdadan xun ee loo adeegsaday wadankiisa Ethiopiyana u muujiyo in uu ka xunyahay waxan ay sameeyeen budhcadan hubaysnayd ee soo dhexmartay Awdal kana timid Eritrea oo soo hubaysay. Dawlada ERETREANA u diro digniin kama dambays ah si aanay mardambe ugusoo dhiiran wadankan S/land waxaayna u noqonlahayd dawladan aan jaarka nahay naruuro gasha kalsoonina way u hayn lahayd waqooyi galbeed waligeedba. www.alnuur.com Quote Share this post Link to post Share on other sites