Deeq A. Posted January 11 Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo weli ciidamada difaaca Puntland ay ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsanayo fariisimaha maleeshiyada kooxda Daacish. Inta uu socday howlgalkan waxaa lagu burburiyey ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay. “Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada PMPF. Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Sawirrada diyaaradan oo la baahiyay ayaa waxa ay noocooda Puntland ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada. Waxaa kale oo howlgalkan lagu soo furtay , hub iyo saanad ay goobahaas uga carareen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo haatan weeraro kala kulmayo ciidamada. Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad. Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo. Share this post Link to post Share on other sites