Deeq A. Posted January 10 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shir u socday wasiirro ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaalkacyo waxaana laga soo saaray go’aanno lagu xallinayo colaad beeleed khasaare gaysatay oo ka aloosan galbeedka gobolka Mudug. Wasiiradda ayaa go’aannada ay soo saareen ku sheegay in guddiyada nabadda ee ka soo jeeda beelaha dagaalku dhexmaray iyo guddiga farsamaduba ay labada maamul kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in colaaddu ay soo laabato. Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyay wejiga hore ee gogosha nabadeynta in muddo toddoba maalin gudahood lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. Go’aannada kasoo baxay shirkaan ayaa waxay u dhigaaneyeen sidan; 1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac. 3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. Go’aannada kasoo baxay wejiga hore ee gogosha nabadeynta ayaa xal u noqon kara colaad beeleedka ka taagan galbeedka gobolka Mudug, taas oo soo noq-noqotay, ayna ka dhasheen khasaare kala duwan. Share this post Link to post Share on other sites