Deeq A. Posted January 10 Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya waxaa ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo helitaanka bad, waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Nebiyou Tedla. Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA, Nebiyou ayaa Turkiga uga mahad celiyay fududaynta heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dhammeeyeen khilaafkooda. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in Itoobiya ay si firfircoon uga qayb qaadanayso wada-hadallada farsamo ee lagu qeexayo habka ay Soomaaliya ugu ogolaan doonto Itoobiya marin bad. Wuxuu sheegay in labada dal ay ka sameeyeen “horumar la taaban karo” dadaalka lagu xallinayo khilaaf ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland. Sida uu dhigay heshiiska muranka dhaliyey, Somaliland waxay ka kiraynaysaa Itoobiya 20-kilometer (12-mile) oo dhul xeebeed ah, si ay uga samaysato saldhig ciidamada badda iyo dekad. Itoobiya oo dadkeeda lagu qiyaaso in ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan bad lahayn. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan lahayd madax-bannaanida Somaliland. Hase yeeshee, heshiiskii ka dhacay Ankara ayey Itoobiya si rasmi ah ugu aqoonsatay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya ay ballan-qaaday in ay Addis-Ababa u ogolaato in ay hesho marin badeed. “Labada dal waxay ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doono qaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri heshiiskii Ankara. Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Share this post Link to post Share on other sites