Sign in to follow this  
Deeq A.

Baasaboorka Soomaaliya oo horumaray – Imisa dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Passport-baasaboor-scaled.jpg?fit=2560%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan horumar ka sameeyay qiimeynta caalamiga ah ee Henley Passport Index, isagoo galay kaalinta 102-aad ee 2025. Qiimeyntan ayaa muwaadiniinta Soomaalida u oggolaanaysa inay fiiso la’aan ku tagaan 35 dal oo kala duwan.

Sanadihii la soo dhaafay, qiimeynta baasaboorka Soomaaliya wax weyn iskama beddelin. Sanadkii 2015, waxa uu ku jiray kaalinta 108-aad. Inkasta oo horumarka sanadkan uu yahay mid la bogaadin karo, haddana booska Soomaaliya wuxuu aad uga hooseeyaa waddamada qaar, sida Imaaraadka Carabta, oo 10 sano gudahood kor ugu kacay 32 boos, haatana ku jira kaalinta 10-aad, waxaana fiiso la’aan lagu tagi karaa 185 dal.

Henley Passport Index waa qiimeyn caalami ah oo lagu cabbiro awoodda baasaboorrada 199 waddan iyada oo lagu saleynayo tirada dalalka lagu tagi karo fiiso la’aan.

Booska Soomaaliya wuxuu muujinayaa caqabadaha weli ka jira xornimada safarka muwaadiniinta, gaar ahaan marka loo eego waddamada sida Singapore, oo ku jirta kaalinta koowaad, halkaas oo baasaboorkeeda loogu oggolyahay in fiiso la’aan lagu tago 195 dal.

Inkastoo ay jiraan dadaallo dowladda Soomaaliya ku bixisay hagaajinta xiriirka caalamiga ah iyo casriyeynta nidaamka bixinta baasaboorrada, haddana dadaalladaasi weli ma keenin natiijooyin muuqda oo ku saabsan xornimada safarka.

Xannibaadaha safarka ayaa si gaar ah u saameeya fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo is-dhex-galka caalamiga ah ee muwaadiniinta Soomaalida.  

Warbixinta Henley Passport Index ee 2025 waxay iftiimisay dhibaatada ku saabsan sinaan la’aanta safarka caalamiga ah, iyadoo waddamada Afrika ay si gaar ah ugu dhibban yihiin xannibaadaha fiisaha.

Booska Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay xaaladda guud ee qaaradda Afrika, halkaas oo heerarka diidmada fiisaha ay aad ugu sarreeyaan marka la barbar dhigo dalalka kale. Daraasaado ayaa muujinaya in dadka Afrika ee codsada fiisaha Schengen ay laba jeer u badan tahay in dalabkooda la diido marka loo eego dadka dalalka kale.

Professor Mehari Taddele Maru, oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Socdaalka, ayaa sheegay in diidmada fiisaha dadka Afrika ay sabab u yihiin arrimo badan. “Heerarka sare ee diidmada fiisaha ee Afrikaanku waxay ka tarjumayaan dhaqaale daciif ah iyo siyaasado takoor ah oo sii adkaynaya sinaan la’aanta dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah,” ayuu yiri.

Waddamada sida Komoros, Guinea-Bissau, iyo Ghana ayaa la kulma heerar diidmo oo ka badan 47%, taas oo muwaadiniinta Afrika ka dhigaysa kuwa ugu hooseeya dhinaca xornimada safarka, una diidaysa helitaanka fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo ganacsi ee caalamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this